Home / Habka-Nolosha / Manchester City oo isku diyaarinaysa soo xera-galinta Alexis Sanchez.

Manchester City oo isku diyaarinaysa soo xera-galinta Alexis Sanchez.

Muqdisho – Kooxda Manchester City ayaa isku diyaarinaysa inay soo iibsato weeraryahanka kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez iyada oo u diyaarisay in ay siiso mushaar gaaraya £320,000 oo lacagta Ingiriiska ah  toddobaadkiiba.

Mustaqbalka Alexis ayuu mugdi soo food saaray kadib markii uu xiddigani dalbaday mushaar dhan £400,000 taas oo ka dhigtay mid kamid ah ciyaartoyda ugu waawayn ee yaalla suuqa kala iibsiga.

Kadib hunguriyaynta Sanchez ee £400,000 waxay albaabada u furtay kooxaha waawayn ee Yurub Sida Sida Man City, PSG iyo Bayer Munich oo dhaamaantood xiisaynaya Xiddigan.

Sida ay warinayso Daily Mail, Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay laacibkan ka geyso dalab maadaama ay iyadu awooddo bixinta lacag ku dhow midda uu dalbanayo Sanchez.

Gunners weeraryahankeeda ayaa wali ku maqan fasixii xagaaga, macalinka kooxda ee Arsene Wenger ayaana xaqiijiyay in isla toddobaadkan uu dib ugu soo laaban doono tababarka kooxda.

Xiddigan u dhashay Chile heshiiska uu kula joogo Arsenal waxaa ka harsan  hal sano oo kaliya, waana taas sababta keentay in Sanchez uu sanadkan ka tegi karo Gunners, ama uu xagaaga dambe kaga hayaami karo qaab xor ah.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan