Home / Cayaaro / Manchester City oo u dhaqaaqday kabtanka La Masia

Manchester City oo u dhaqaaqday kabtanka La Masia

Himilo FM – Manchester City ayaa dooneysa inay la saxiixato da’yar kale oo Barcelona ah xagaagan iyadoo doonaysa inay u dhaqaaqdo kabtanka hoggaamiya xiddigaha 16-jirada Jorge Alastuey, sida laga soo xigtay wargeyska The Sun.

Alastuey oo 15 jir ah ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan Barca kaasi oo uu qandaraaskiisa dhacayo xagaagan inkastoo kooxda Catalan rajeyneyso inay sii haysato halka City ay dooneyso inay lasoo saxiixato khadka dhexe.

Edinix Moriba oo ka ciyaara booska khadka dhexe ayaa ahaa bartilmaameedka City ee xerada La Masia, laakiin haatan waxa uu u muuqdaa in uu kusii nagaanayo Barcelona, balse indhaha City ayaa haatan u jeestay Alastuey oo ah hoggaamiyaha Barcelona ee Cadete B, kaasi oo la filayo in uu noqdo ciyaaryahan kale oo weyn oo kasoo baxa  La Masia.

Alastuey waxaa dhawaan soo gaaray dhaawac xun kaasi oo loo maleynayo in uu seegayo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

City ayaa ku guuleysatay labo ka mid ah rajooyinkii ugu fiicnaa Barcelona sannadihii u danbeeyay, daafaca Eric Garcia iyo ciyaaryahanka khadka dhexe Adrian Bernabe ayay ahaayeen xiddigihii ugu danbeeyay oo uu la wareego hoggaamiyihii hore ee Barcelona Guardiola.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan