Home / Cayaaro / Manchester City oo u dhaqaaqi karta Lautaro Martinez

Manchester City oo u dhaqaaqi karta Lautaro Martinez

Himilo – Manchester City ayaa dib u soo cusbooneysiineysa xiisaha weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez sida ay tilmaameen warbixinno soo baxay.

Sida laga soo xigtay The sun, City ayaa dooneysa in ay ka faa’iideysato Barcelona oo aan ka soo bixi Karin adduunka lacageed ee lagu doonayo laacibka.

Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa dhawaan shaaciyay in uu hakad ku yimid wadahadallada kooxdiisa kula jirtay Inter Milan ee ku saabsan Lautaro Martinez.

Madaxa fulinta Inter Milan Giuseppe Marotta ayaa xaqiijiyay in Barcelona kamid tahay kooxaha xiiseynaya Lautaro Martinez kahor suuq furanka xagaaga.

Barcelona ayaa u aragta cayaaryahanka reer Argentine beddalka Luis Suarez iyada oo si weyn loola xiriiriyay laacibka bilihii ugu danbeeyay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan