Home / Habka-Nolosha / Manchester City oo xaqiijisay saxiixa difaaca Monaco ee Benjamin Mendy.

Manchester City oo xaqiijisay saxiixa difaaca Monaco ee Benjamin Mendy.

Muqdisho – Manchester City ayaa ku dhawaaqday inay dhamaystirtay saxixiixa ciyaaryahankii AS Monaco ee  Benjamin Mendy kaas oo difaaca bidix kaga ciyaarayay kooxda reer France.

23-jirkan ayaa xiran doona lambarka 22 ee funaanadda City, wuxuuna saxiixay heshiis shan sano ah oo uu kusii joogayo Etihad Stadium.

Waxaa lafahamsan yahay in Man City ay bixisay lacag gaaraysa £50m si ay u helsho Faransiiskaan heerka caaalmi, kaas oo sameeyay 36 soo muuqasho oo Monaco ah xagaagii hore, markaas oo kooxdiisu ay ku guulaysatay Ligue 1 isla markaana ay gaadhay afar dhamaadka koobka horyaallada yurub ee Champions League.

Mareegta rasmiga ah ee Man Cty ayaa lagu xaqiijiyay in 23-jirkan heerka caalami uu saxiixay heshiis shan sano ah isaga oo kooxda u xiran doona lambarka 22.

“Waxaan gabi ahaanba ku faraxsanahay in aan ku soo biiro Manchester City,” ayuu u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda.

Mendy ayaaa u safri doona United States si uu ula kulmo saaxiibadiisa cusub ee ku sugan halkaas si uu iskugu diyaariyo xilli ciyaareedka socda.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan