Home / Habka-Nolosha / Manchester United iyo Manchester City oo isku heysta Marc Barta

Manchester United iyo Manchester City oo isku heysta Marc Barta

Muqdisho РManchester City iyo Manchester United ayaa ku hardamaya saxiixa difaaca  Borussia Dortmund ee Marc Bartra, kas oo dhawaanahaan lala xariirinayey in uu ka dhaqaaqi doono naadiga.

Warar laga helayo war-baahinta Spanish-ka ah ayaa warinaya in Dortmund aya qorsheyneyso in ay iska iibiso wilkii hore ee Barcelona Barta, kooxda reer Italy ee Juventus ayaa sidaas oo kale la fahansan yahay in ay xiise u qabto.

Barta, oo kaga soo biiray Dortmund Barca xagaagii 2016-kii ayaa u saftay 31 kulan oo horyaalka Bundesliga tan iyo markii uu yimid kooxda.

Xiddiga u dhashay waddanka Spian ayaa ku guul-dareystay in uu boos ka helo kooxda koobaad tan iyo markii uu yimid kooxda tababare Peter Stoger, labada kooxood ee ugu sareeya horyaalka Premier League ayaa doonaya in ay la saxiixdan Bartra haddii fursad loo siiyo.

27-jirkan ayaa sidaas oo kale usoo ciyaaray Barcelona B waayahiisa ciyaareed, 13kulan ayuuna usaftay xulka qaranka Spain.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan