Home / Habka-Nolosha / Manchester United oo £85m ku doonaysa Gareth Bale.

Manchester United oo £85m ku doonaysa Gareth Bale.

Muqdisho – Manchester United ayaa rajeyneysa in ay la saxiixato Gareth Bale,  sida laga soo warramayo.  Kooxda milkiyan laacibkan leh ee Real Madrid ayaa qorsheyneysa in ay laacibkan ku fasaxaan £85m oo lacagta ganiga istarliinka ah.

United ayaa dhawaanahaan lala xariirinayey u dhaqaaqista xiddigan heerka caalami ee reer Wales,  laakiin wali uma aysan suurta-galin in ay kasoo kaxeeyaan Bernabeu, Madrid ayaana laacibkan markaas ku downeysay lacag ka badan tan ay ku hamisay Man United.

Si kastaba, the Mirror ayaa ku warrantay, in kooxda heysata koobka horyaallada Yurub ee Real, ay sare u qaaday doonisteeda ah in ay fasaxdo laacibkan, Bale ayaa waqtigiisa in badan oo kamid ah ku qaatay dhaawac tan iyo markii uu yimid 28 jirkan caasimadda Spain.

Madrid ayaa aqbali doonta  sida lagu soo warramayo £85m oo ay ku dhumiso garab keedan duula, lacagtan oo kale Los Blancos ayuu kula soo biiray markii uu ka yimid Tottenham Hotspur 2013.

Si kastaba, United ayaa tartan adag waxa ay kala kulmi doontaa kooxda heysata horyaalka Premier League ee Chelsea iyo Spurs oo uu horay usoo maray laacibkan.

Bale ayaa dhaliyey 70 gool 159 kulan oo uu u ciyaaray Madrid, isagoo kooxda ka caawiyey Champions League, hal La Liga iyo hal  Copa del Rey.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan