Home / Cayaaro / Manchester United oo dib u soo ceshanaysa Alexis Sanchez

Manchester United oo dib u soo ceshanaysa Alexis Sanchez

Himilo – Manchester United ayaa la soo warinayaa inay fursad u siineyso Alexis Sanchez in uu dib ugu soo laabto kooxda xagaaga soo socda kaddib markii cayaaryahankii hor ee Arsenal uu ammaah ugu wareegay kooxda Inter Milan.

Weeraryahannada ayaa immika ku yar kooxda ku cayaarta garoonka Old Trafford sabab la xiriirta dhaawac soo gaaray Marcus Rashford xilli uu Sanchez ku dhibtooday Talyaaniga.

Sida laga soo xigtay The Mirror, United ayaa isu diyaarineysa inay soo dhaweyso Alexis islamarkaana u oggolaato in uu xirfaddiisa ka sii wato Man United.

Ku-xigeenka madaxa fulinta kooxda Ed Woodward ayaa la tilmaamayaa in uu doonayo in cayaaryahanka reer Chile lagu hayo kooxda xilli cayaareedka soo socda isaga oo aan loo oggolaan doonin in uu ku baxo heshiis joogta ah.

31 jirka ayaa ku guuleystay in uu dhaliyo 5 gool 45 kulan oo uu u saftay Man United. Si kasta, Sanchez ayaa la soo warinayaa in uu daneynayo sii joogista Talyaaniga kaddib dhammaadka xilli cayaareedka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan