Himilo – Cayaaryahanka khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa la tilmaamay in uu ku farraxsan yahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Manchester United.
Tan iyo markii uu shaaciyay in uu ka tagayo Man United bishii June ee sannadkii 2019-ka, cayaaryahanka ku guuleyestay koobka adduunka ayaa lala xiriiriyay kooxo badan.
Inkasta oo United awoodo inay kordhiso qandaraaska 27 jirka illaa 2022-ka haddana saraakiisha kooxda ayaa ka fekeraya haddii ay jirto baahi iyo qiimo weyn oo keenaysa in la celiyo laacibka qaranka Faransiiska.
Si kasta, Pogba ayaa ku dhawaaday in uu ka tago kooxda markii uu yimid Bruno Fernandes oo wax badan ku biiray kooxda.