Home / Cayaaro / Manchester United oo ku kalsoon in Pogba uu joogayo Old Trafford

Manchester United oo ku kalsoon in Pogba uu joogayo Old Trafford

Himilo – Manchester United ayaa la soo warinayaa inay ku kalsoon tahay in Paul Pogba uu sii joogi doono garoonka Old Trafford.

Cayaaryahanka khadka dhexe ayaa si weyn loola xiriiriyay ka dhaqaaqista horyaalka Ingiriiska xilli cayaareedkan isaga oo keliya ka soo muuqday toddobo kulan ol-olaha 2019-2020.

Si kasta, marka la eego The Independent, kooxo yar ayaa ka soo bixi kara dalabka Manchester United ee £100 Milyan oo ay ku dooneyso 27 jirka xilli kooxo dhowr ah hakad geliyeen qorshayaasha saxiixyo cusub sabab la xiriirta Corona.

Warbixinnada ayaa intaa raacinaya in bandhigga wanaagsan ee Bruno Fernandes uu jilciyay mowqifka United ee Pogba inkasta oo kooxda horyaalka Ingiriiska heysata 20-ka jeer aysan dooneyn qiimo ka yar rikoorkii lacageed ee £89 Milyan.

Pogba ayaa dhaliyay 31 gool 143 kulan oo uu ka soo muuqday United tan iyo markii uu ka soo laabtay Talyaaniga sannadkii 2016-ka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan