Home / Habka-Nolosha / Manchester United oo toddobaadka soo aadan dhamaystiraysa saxiixa Nemanja Matic.

Manchester United oo toddobaadka soo aadan dhamaystiraysa saxiixa Nemanja Matic.

Muqdisho – Manchester United ayay wararku sheegayaan in ay ku soo gabagabayn doonto heshiiska Nemanja Matic £40 milyan oo lacagta Ingriiska ah toddobaadka soo socda.

28 jirkan ayaa door muhiim ah ka ciyaaray kooxdii Jose Mourinho ee ku guulaysatay horyaalka sanadkii uu kusoo laabtay Blues, tababaraha Burtuqiis-ka ayaana doonaya in uu si lamid ah xagaagaas ugu faa’iidaysto Serbian-kan heerka caalami, isla markaana uu keeno marsaxadda riyada ee Old Trafford.

Kadib markii ay horay ula soo saxiixdeen Romelu Lukaku iyo Victor Lindelof, Mourinho ayaa dalbaday in loo keeno labo cayaaryahan oo ka ciyaara qadka dhexe iyo xiddig ka ciyaari kara garabka weerarka ee Manchester United inta lagu guda jiro xagaagan.

Sida ay warinayso Daily Mail, Mourinho ayaa rajaynaya in uu helo adeegga Matic todobaadka soo aadan,Cheslea ayaana ugu dambayn aqbashay in xiddigeeda burburiyaha ah uu u guuro kooxda ay Premier League ku wada xifaaltamaan ee Man Utd.

Si kastaba ha ahaatee, tabaraha kooxda Blues ee Antonio Conte ayaa jeclaan lahaa in uu helo laacib ku wanaagsan qalbadda dhexe inta aan lasoo gabagabayn heshiiska uu Matic ugu wareegayo Man Utd.

Raacdahaan jooga dheer ayaa Chelsea u raacin safarkii ay ku aadeen Shiinaha, halka Conte uu horay usoo iibsaday xiddiga sida weyn loo qiimeeyo ee Tiemoue Bakayoko kaas oo bad u noqon kara xiddiga reer Serbia ee Nemanja Matic.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan