Home / Habka-Nolosha / Manchister United oo ku dhawaaqday heshiiska Nemanja Matic.

Manchister United oo ku dhawaaqday heshiiska Nemanja Matic.

Muqdisho>: Manchester United way ku faraxsantahay in ay ku dhawaaqdo Heshiiska Nemanja Matic, kaas oo ka yimid Chelsea, wuxuu saxiixay sadex sano oo Heshiis ah, wuxuuna dooq u haystaa sanad kale oo dheeraad ah, ayaa lagu qoray mareegta rasmiga ah ee Manchister United.

28 jirkaan heerka caalami ee u dhashay Serbia ayaa kusoo guulaysatay Horyaalka EPL-ka intii uu ku sugnaa Blues laakiin wuxuu markaan 40 milyan oo lacagta ingiriiska ah uu ugu soo wareegay United.

Jose Mourinho ayaa yiri, “Nemanja waa ciyaaryahan Manchester United ah iyo ciyaaryahan Jose Mourinho.

Nemanja Matic ayaa isna yiri “ waan ku faraxsanahay in aan kusoo biiro Manchester United, si aan ula shaqeeyo Jose Mourinho mar kale, waxay aheed fursad aan hoos loo dhigi Karin.

“Waana ku raaxeystay waqtigeygii Chelsea, waana jeclaan lahaa inaan u mahad celiyo kooxda iyo taageerayaasha tageeranimadooda, mana sugi karo inaan la kulmo saaxiibadeyda cusub isla markaana aan la tababarto iyaga ”.

Sawir uu Matic xiran-yahay funaanadda tababarka ee Manchister ayaa si weyn u ruxay baraha bulshada galinkii danbe ee Axada, lambarka 31aad ayuuna ka badali doonaa Bastian Schweinsteiger oo ku biiray xagaagii la soo dhaafay Chicago Fire, sida ka muuqatay sawirka soo muuqday ee Ciyaaryyahanka.

Waa markii labaad ee xiddigaan uu la saxiixanayo Jose Mourinho, kooxda ayaana haatan qarash garaysay lacag ku dhow £150 milyana oo lacagta Ingiriiska ah markii ay horay soo qaateen Romelu Lukaku iyo Victor Lindelof horaantii xagaagan.

Juventus iyo Internazionale ayaa doonayay Matic laakiin  Serbian-kaan xiriirka kala dhexeeya Mourinho ayaa ka dhigay Old Trafford in uu noqdo dooqiisa koobaad.

United ayaa sidaas oo kale lala xariirinayaa laacibka Monaco ee Fabinho, si lamid ah waxaa ay doonayaa xiddiga boosaska badan ku wanagsan ee Eric Dier kaas oo ka tirsan Tottenham Hotspur.

Matic ayaa sameeyay 30 soo bilabasho sanadkii ugu horeeyay ee Antonio Conte waayihiisa Stamford Bridge.

W/Q: Abdi Aziz Adan urur.

 

 

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan