Himilo – Saamaynta taban ee internet-ka laga dhaxlay waxaa ka mid ah dhaca dadka loogu geysto iyada oo la adeegsanayo farsamooyin kala duwan.
Tuugada Internetka ayaa siyaabo kala geddisan dadka jeebabkooda iyo boorsooyinka ugala baxa waxa ugu jira ogaal iyo ogaal la’aanba.
Marka koowaad waxaa suuragal ah inay kuu soo bandhigaan barnaamijyo ay kuu sheegayaan inaad faa’iido noloshaada beddelaysa aad ka helayso haddii aad maalgashto.
Balse nasiib darro natiijada laga dhaxlo ayaa ah inaad lafahaaga waydo iskaba daaye macaash aad ka hanato e. Sababtoo ah waxay kuu sheegayaan siriqda dabinkooda.
Midda labaad in adoo ogayn loo soo dhaco telkaaga ama bankigaaga hab online ah adiga oo aan ka war qabin kaddib ay kaa rogtaan waxa kuugu jira.
Waxaaba dhacda inay tuubbo ku surtaan kaddib ay bille kuula isticmaalaan daqliga ku soo gala adiga oo ka baraad la’.
Si aadan u ogaan waxay sameeyaan waxa ay isku hawlaan inay lacag in yaryar u goostaan si qofka uusan durba u baraarugin oo uu ugu noqdo il u irmaan oo uu gaaxdeeda maalo dhib la’aan.
Soomaaliya waxaa ku badan midda hore sababtoo ah sanad kasta waxaa dhaca tuugo shaarar kala duwan usoo xirta kaddiba ku baarta internetka.
Tabaha aysan ka daalin tuugada soomaalida aysan fahmin ama ay indho tiraan waxaa ka mid ah inay maal gashi sameeyaan kaddibna ay helaan faa’iido iska soconaysa.
Baraha internetka ayay tuugada ku soo bandhigaan dad soomaali ah oo sheegaya inay faa’iido wanaagsan ka heleen appka markaas la xayaysiinayo.
Dadkan waxaa suuragal ah in lacag laga dhacay kaddib xujo looga dhigay inay soo duubaan muuqaal ay appka ku faaniyaan oo dad kale run ugu maleeyaan oo ay ugu soo dhiiradaan.
Sababta kale maangalka ah waxaa weeye inay faa’iido loo siiyay inay dad kale godka ku soo ridaan maaddaama aan nahay indho ku garaadleyaal.
Tuugada qaababka ay u shaqeeyaan waxaa ka mid ah in qof kasta lagu dhiirigaliyo inuu keeno qof kale. Waxay adeegsadaan xeelad ah dadka qaar la siiyo lacag qof kale laga qaaday.
Tani waxay uga dan leeyihiin inay ganacsigooda u muujiyaan wax dhab ah oo uusan shaki ku jirin in laga faa’iidayo.
Dadka marka ay arkaan qof lacag ka helay isweydiin la’aan ayay hantidooda u keeneen waxaa jira xaraash raaso-maal kaddib keena guriga tuugada.
Dadka gala waxa loo sheegaa qofkii qofka keenayaa inuu helayo faa’iido dheeraad ah taas ayaa keenta inuu qofka sameeyaan suuq gayn xad dhaaf dad badan dabinka ku soo sinta.
Tuugada marka ay aruursadaan lacag ku filan ayay halmar xirmaan ama hawada ka baxaan, mal aha meel tixraaca sababtooda markii horeaba internetka is-barateen.
Mareegtooda hawada ka saarayaan; taleefannadooda way xiranayaan ama simikaaradda ayay iska tuurayaan kaddina waxay ku tamashlaynayaan hantida dadka keena laga qaaday.
Waxay noqon karaan Soomaali iyo Ajaaniib, billo kaddib dib ayay u soo rogaal celiyaan iyada oo wada magic kale balse isla nashqaddii mid ka mida ah wada.
Iyadoo diinteenna ay noo sheegayso in qofka muslimka ah aysan ahayn inuu noqdo mid mar walba dagan hadda dadkeenna mar iyo marar hababkaas lagu dhacaa.
Waxaa qoray: Axmed Haadi