Home / Cayaaro / Maqaal: Ciyaaraha maamul goboleedyada ma is dhaxgal bulsho mise kalatag!

Maqaal: Ciyaaraha maamul goboleedyada ma is dhaxgal bulsho mise kalatag!

Himilo – Garoonka kubadda cagta ee Studio Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay ciyaarihii maamul-goboleedyada iyo gobolka Banaadir kuwaas oo soo billowday 29 December sanadkii  hore (2023).

Ciyaarta kama dambeysta ah waxaa wada ciyaaray kooxaha kala matalayay Galmudug iyo Hirshabeelle. Waqtigii loogu tala-galay ciyaarta waxay ku idlaatay barbar dhac balse waxay guushu gool kulaad ku raacday Galmudug (4-1) oo markii koowaad hanatay koomka.

Haddaba ma ciyaar ayaa la dheelay mise qabiilo ayaa la tartansiiyay?

Ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo markii ugu horreysay la billaabay sanadkii 2016 waxaa loo arkayay is dhax gal bulsho balse sida muuqata waxay isku rogtay isficlin iyo in dhallinyaradii ay qabiil ahaan u kala taageeraan kooxaha.

Waxaa muuqata ciyaarihii inay isku beddeleen siyaasad iyo qabyaalad waana midda keentay inay maamul goboleedyada qaar oo siyaasad ahaan u diidanaa dowladda dhexe inay ka baaqdaan tartarnka.

Inta koobkani uu socday waxaa loo diiwaan galiyay kii ugu rabshadda badnaa maaddaama goroonka gudihiisa iyo dibadiisaba ay rabshado xooggan ka dhaceen. Dhibaatada ugu badan waxaa samaynayay taageerayaasha oo dhagax tuur iyo buuq kicinayay marka ay u arkaan in kooxdooda laga guuleysan rabo.

Sababta dhagax tuurka keenay waxaa lagu sifeeyay in taageerayaasha aysan u arkaynin ciyaarta meesha ka socoto mid ku eg kubbad balse ay u arkayeen haddii laga badiyo kooxda ay taageerayaan in qabiil ahaan looga guulaystay maaddaama maamul goboleed kasta qabiil loo tiirinayay.

Labo mar ayaa dib loo dhigay kulamada inta uu socda koobku; marka koowaad waxay aheyd kulankii Hirshabeelle iy Gobolka Banaadir oo ciyaarta oo socota la joojiyay kaddib markii la daqray mid ka mid ah calan wadayaasha garsooraha caawinaye balse dhibaatadu taas oo keliya kuma koobneyn.

Waxay xaaladu ka sii dartay markii maamulka Koonfur  Galbeed ay iyaguna isagabaxeen ciyaaraha oo meel dhexe maraya. Kulan u dhaxeeyay Koonfur Galbeed iyo Gobolka banaadir ayaa si nabadgalyo ah u soo dhamaatay waxayna guushu raacday caasimada, balse taageerayaasha iyo ciyaartooyda Koonfur Galbeed oo qabay xanaaqii ay ka qaadeen guuldaradii garoonka ka soo gaartay ayaa loogu daray waxa anshaxa ka baxsan oo ah dhabbogal iyo dhagax tuur, qaarkamid ah ciyaartoyda ayaana halkaa dhibaato ka soo gaartay, taasi waxay keentay in markale ciyaaruhu ay hakad galaan kadib markii maamulka Koonfur Galbeed ay ku dhawaaqeen inay kabaxeen Baydhabana ay ku noqonayaan.

Wadahadal waqti dheer qaatay kaddib waxaa la xaqiijiyay in xulka Koonfur Galbeed ay isaga hareen koobka.

Maamulka Puntland oo inta aysan ciyaartu bilaabanba sheegay inay ka baaqdeen ka qeybgalka tartanka waxay dhabarjab weyn ku noqotay koobka iyo xamaasaddiisa.

Inta ay socdeen ciyaaraha maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir waxaa muuqatay in taageerayaasha ay u kala baxeen qaab qabiileysan, taas oo mararka qaar buuqa ka dhasha ciyaaraha ay u soo gudbaysay xaafadaha iyo dadka deriska ah, waxaa intaa sii dheerayd dadka baraha bulshada wax ku soo gudbiya oo ka faa’iideysanaya dhallinyarada xamaasadeysan taas oo sii xoojisay in koobkii socday uu isku beddelo qabiilo hardamaya halkii ay aheyn in ciyaar uun ay ku ekaato xamaasaddu.

Tartanka dhammaaday wuxuu ku sigtay in ummaddu is nacdo oo la kala shakiyo.

Haddaba taladayda ugu dambeysa.

  1. Ciyaaruhu waa is dhaxgal bulsho, sidaas awgeed waxaa lama huraan ah in marka hore laga daayo qabyaaladda iyo qabiilaysiga.
  2. Inta aan la iclaamin ciyaaraha waqtiga ay dhacayaan ka hor in dhallinyarada taageerayaasha ah loo sameeyo wacyi galin lagana dhaadhiciyo inaysan qabiil wax ku taageerin.
  3. In madaxda ama siyaasiyiinta dhanka qaldan wax u adeegsanaya, wasaarada iyo xariirkuba ay ka mamnuucaan garoonka imaatinkiisa.
  4. In xariirku ay sameeyaan shuruuc si aysan u soo noqon wixii hadda dhacay oo kale tartankana cashir laga barto wixii la arkay.

 

 

Qalinkii Cali Hilowle 

kala xiriir: achilowle@gmail.com 

 

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan