Himilo – Lacagtii astaanta u ahayd Soomaaliya waxaa ka danbeeyay kunka Shilin kaas oo deegaanno badan laga joojiyay adeegsigiisa.
Meelaha laga diiday isticmaalkiisa waxaa kamid ah Hiiraan, Mudug, Galgaduud iyo Puntland gabi ahaanba uusan ka shaqayn.
Ka guuridda lacagta Shillin Soomaaliga waxay saamayn mug leh ku yeelatay noolosha shacabka Mmiyiga iyo danta deggan magaalooyinka.
Hadda waxaa booskii Shilin Soomaaliga si aan rasmi ahayn u galay doolLarka Maraykanka, kaas oo hadda lagu jaangooyo wax kasta oo la kala iibsanayo.
Ganacsatada sariflayaasha ah ayaa sheegaya in ay dhibaato badan ku qabaan qabshada Shlling Soomaaliga maaddaama uu aad u duugoobay.
“Waa ay nagu adag tahay in Shilin Soomaaliga aan qaadano maaddaama uu dhamaaday, waxa uu u badan yahay jeex jeex,” sidaa waxaa jiri Mahad Ismaaciil oo ah sarifle.
Dadka ugu badan ee ay saamaynta ku yeelay ayaa ah dadka danyarta maaddaama markii horaba aysan doollar haysan, isticmaalka taleefanka gacanta ee lacagaha la isugu dirana adeegsigiisa aysan badankood aqoon.
Dadka muruq-maalka ah oo aan fahan badan ka haysan isticmaalka ticnoolajiyadda iyo lacagaha layku diro ayaa dhibka ugu badan ku qaba waayidda Shilin Soomaaliga.
“Mararka qaar waxaa dhacda in qofkii aan howsha u qabanay uu uu yiraahdo lacagta waan kuu tuuray aniguna aan garaneyn in lacag la ii tuuray ama in warqad been ah ii soodhacday ilaa qof kale ii fiiriyo mooyee,” Sidaas waxaa yiri Cabdiqaadir Iidow oo kamid ah muruq maalka Muqdisho ku nool. Waxa uu hadalkiisa sii raaciya “dadka masaakiinta ah dhib ayay ku qabaan lacagaha taleefanada”.
Ganacsatada Soomaalida ayaa kuu sheegaya in ay iyaguna dhibaato weyn ku qabaan Shillinka Soomaaliga sababo la xiriira lacagtii oo duugowday, waxaana taasi ay keentay in ay badankood diidaan iyagoo ka doorbidaya doollarka.
Dadka qaar ayaa aaminsan in Shilin Soomaaliga oo yaraaday ay sabab u tahay lacagta taleefanada lagu kala dirsado oo sii kordhaya.
Lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa haataan ah mid sii dabar go’aysa oo dhamaad ah. Dowlada Soomaaliya ayaa goor sii horaysay sheegtay in dib u habeyn lagu sameyn doono, haseyeeshee wax badan kama hirgelin mana muuqato wax xal ah oo loga hortagayo dabar go’a ku socda.
Talo
Lacagtu waxay kamid tahay baadi-sooca qaranka, dal kasta oo dunida ka jira ayaana leh lacag u gooni ah oo lagu garto sidaa awgeed waxaa lama huraan ah in dowlada ay keento xal looga guuri karo dhibaatada haysato Shilin Soomaaliga, sida in la soo saaro lacag cusub ama in bangiga dhexe ee dalka uu jaangoyn u sameeyo lacagaha suuqa soo galaya.
Qalinkii: Cali Hilowle
achilowle@gmail.com