Home / Arrimaha Bulshada / Maqaal: Dhibaatooyinka ka dhalan kara Forex Haddii Qofku aano cilmi u laheyn.

Maqaal: Dhibaatooyinka ka dhalan kara Forex Haddii Qofku aano cilmi u laheyn.

Himilo-Forex waa eray kooban oo laga soo gaabiyay “Foreign Exchange”, waxaana loola jeedaa suuqa lacagaha qalaad lagu kala iibsado. Waa suuq aad u weyn oo dadka isticmaala ay is-weydaarsadaan lacagaha dalal kala duwan, sida doolarka, euro-ga, iyo lacagaha kale ee dunida. Suuqa Forex waa mid aad u ballaaran oo shaqeeya 24 saac shan maalin marka laga tago Sabtidda iyo Axadda. Tani waxay ka dhigaysa mid dadka adduunka oo dhan ay ku ganacsan karaan. Ganacsiga Forex-ka wuxuu ku saleysan yahay qiimaha lacagaha oo isbeddelaya waxaa saameyn ku leh isbadalka siyaasadda, dhaqaalaha, iyo dhacdooyinka caalamiga ah.

Taariikhda Forex

Suuqa Forex ma ahayn mid sidaan oo kale u habbeysan tan iyo 1970-kii waqtigaas oo uu dhamaaday heshiiskii Bretton Woods. “Heshiiska Bretton Woods waxa uu qiimaha lacagaha adduunka ku jaangoynayay dahabka”. Kadib markii heshiiskan la joojiyay, dalalka waxay billaabeen inay isticmaalaan lacagahooda iyadoo dal weliba uu lacagtiisa suuq u abuurayo. Forex wuxuu si tartiib tartiib ah uga soo gudbay shirkado waaweyn iyo bangiyada ilaa ganacsatada yaryar iyo shakhsiyaadka caadiga ah ay si toos ah uga qayb qaadan karaan. Teknoolojiyada casriga ah ee internet-ka ayaa si wayn u fududaysay in Forex uu noqdo mid ku faafo bulshada caalamka oo dhan.

Dadka ugu caansan ee dhaqaalaha ka sameeya Forex

Forex waa suuq ay dad badan oo ganacsato ah ka faa’iideen. Waxaa ka mid ah dadka ugu caansan ee ka faa’iideystay suuqan:

George Soros: George Soros waa ganacsade caan ah oo magac weyn ku leh suuqa Forex. Wuxuu ku guuleystay in uu malaayiin doolar ka faa’iido sanadkii 1992 markii uu si xeeladaysan ugu gacan galay suuqyada lacagaha, gaar ahaan markii uu soo iibsaday lacagta Ingiriiska (British Pound). Kadibna uu iska iibiyay.

Stanley Druckenmiller: Wuxuu la shaqeeyay George Soros, wuxuuna ku guuleystay inuu faa’iido weyn ka sameeyo suuqa Forex.

Bill Lipschutz: Wuxuu caan ku yahay inuu malaayiin doolar ka faa’iiday suuqa Forex isagoo la shaqeynayay shirkadda Salomon Brothers ee Mareykanka.

Dadka Soomaaliyeed iyo Fahamka Forex

Soomaalida, si gaar ah dhallinyarada, waxay dhowaanahan billaabeen inay xiisaynayaan suuqa Forex. Teknoolojiyada iyo helitaanka internet-ka ayaa u suurto galiyay in ay suuqan ka ganacsadaan iyaga oo ku nool meel kasta oo Soomaaliya ama qurbaha ah. Si kastaba ha ahaatee, weli waxaa jira fahamka suuqan oo dad badan aysan si qoto dheer u fahamsanayn, taasoo keenta in ay ku ganacsadaan iyagoo aan helin tababar ku filan ama aqoon sare.

Waxaa jira caqabado badan oo ka hor istaaga Soomaalida in ay si guul leh ugu ganacsadaan suuqa Forex. Caqabadahaas waxaa ka mid ah:

Tababbar La’aan: Ganacsiga Forex wuxuu u baahan yahay in si fiican loo barto suuqyada iyo qalabyada ganacsi, taas oo dad badan aysan weli helin.

Xeerarka Maaliyadeed: Soomaaliya weli ma laha nidaam sharciyeed oo dhameystiran oo u oggolaanaya in ganacsatada si ammaan ah ugu ganacsadaan suuqyada caalamiga ah.

Khatarta: Suuqa Forex waa mid khatar badan leh oo haddii aan si taxadar leh loo gelin waxaa dhici karta in dadka ay waayaan hanti fara badan.

In kasta oo ay jiraan caqabado, haddana waxaa jira Soomaali badan oo qaab ganacsiyeedkan xiisaynaya. Waxaa la filan karaa in mustaqbalka dhow ay dad badan oo Soomaali ah ku biiraan suuqa Forex haddii la helo tababaro ku habboon iyo sharciyo dhowraya xuquuqdooda maaliyadeed.

Dhibaatooyinka ka dhalan kara Forex Haddii Qofku aano cilmi u laheyn

Ganacsiga Forex waa mid aad u xiiso badan, laakiin sidoo kale wuxuu keeni karaa dhibaatooyin haddii qofka uusan si fiican u fahamsaneyn suuqa iyo khataraha ku lammaan. Halkan waxaan kuugu soo gudbinayaa dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka dhalan kara ganacsiga Forex haddii qofku uusan aqoon ama khibrad ku filan u lahayn:

  1. Khasaare Maaliyadeed oo xad-dhaaf ah

Suuqa Forex waa mid la saadaalin karin, waxaana ku jira isbedelo degdeg ah oo qiimaha lacagaha ah. Haddii qofka uusan aqoon u lahayn suuqa, wuxuu halis ugu jiraa inuu khasaare xoogan oo maaliyadeed la kulmo. Inta badan, dadka cusub ee ku biira Forex waxay lumiyaan lacagtooda ugu horreysa ee maalgashiga sababtoo ah aqoon la’aan iyo xakameyn la’aanta halista.

  1. Isbadalada Suuqa oo deg deg ah

Ganacsatada Forex waxay u baahan yihiin inay si joogto ah ula socdaan isbeddelada qiimaha lacagaha iyo xaaladaha dhaqaale ee saameeya suuqyada. Haddii qofku aanan u lahayn cilmi ku filan, wuxuu sameyn karaa falanqeyn qaldan oo ku saabsan isbeddelada suuqyada, taasoo keenta in uu ganacsiyo qalad ah sameeyo, kadibna uu khasaare ka dhasho.

  1. Xakamayn La’aanta Dareenka

Ganacsatada aan aqoonta sare lahayn ayaa mararka qaarkood ku shaqeeya dareen ahaan. Tani waxay keeni kartaa in qofka ay ku dhalato cabsi xilligii ay aheyd in uu ka faa’iido suuqa ama in uu faa’iido sare u hanqal taago. Ganacsiga Forex wuxuu horseedi karaa in ganacsadaha uu sameeyo tilaab aan u qorsheysneen, taasoo khasaare weyn keenta.

  1. Isticmaalka qalab ganacsi oo aan Fahamsaneyn

Ganacsiga Forex wuxuu isticmaalaa qalabyo badan oo farsamooyin gaar ah u baahan sida Technical Analysis, Tundamental Analysis, iyo Risk management tools. Haddii qofka uusan aqoon u lahayn qalabkan, waxaa ku dhici karta qasaaro. Tusaale ahaan, waxaa jira ganacsato badan oo ku qaldama isticmaalka jaantusyada iyo qalabyada farsamo ee saadaaliya isbeddelada suuqa.

  1. Dhacdooyinka caalamiga ah oo aan la saadaalin karin

Suuqa Forex wuxuu si weyn ugu xiran yahay xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee caalamka. Haddii qofka uusan aqoon u lahayn sida dhacdooyinka caalamiga ah ay u saameeyaan qiimaha lacagaha, wuxuu noqon karaa mid qasaara, dhacdooyinka suuqa saameynta ku leh waxaa kamid ah: dhaqaale burbur, dagaallo, ama doorashooyin.

  1. Lacagaha Been-abuurka iyo Suuqyada Sharci-darrada ah

Qofka aan aqoon u laheyn ganacsiga Forex wuxuu si fudud ugu dhici karaa dabinada shirkadaha aanan sharciga ahayn ee ka ganacsada Forex. Waxaa jira shirkado badan oo been abuur ah kuwaas oo dadka suuqa ku cusub dhaca, iyagoo ka faa’iideysanaya aqoonyarida dadka cusub.

Gabagabo

Forex waa suuq caalami ah oo fursado badan leh, dhanka kalane khataro badan leh. Soomaalida waxay billaabeen inay qayb ka noqdaan suuqan, inkastoo weli ay jiraan caqabado iyo fahan la’aan ballaaran. Waxaa muhiim ah in dadka ku cusub Forex ay helaan tababar ku filan si ay uga taxadaraan khataraha suuqan isla markaana uga faa’iideystaan fursadaha ganacsi ee uu leeyahay.

 

waxaa qoray Cali Hilowle 

kala xiriir Achilowle@gmail.com 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan