Home / Macluumaad / Maqaal- Labadii mugdi ee xoojiyay dhibaatada dalka

Maqaal- Labadii mugdi ee xoojiyay dhibaatada dalka

Himilo – Qofka Soomaaliga ah ee ku nool wadanka gudihiisa waxa heysto dhibaatooyin dhowr ah oo kala duwan kuwaas oo isugu jira dhibaatooyinka maalin laha ah ee noloshiisa ka qeyb noqday iyo dhibaatooyinka soo boodada ah oo qof walba oo Soomaali ah uu khatar ugu jiro in maalin uun uu la kulmo.

Taas micnaheeda ma aha in labadaas dhibaato dadyowga kale ee dunida aysan nala qabin hase yeeshee qofka Soomaaliga ah waxaa u dheer mugdiga xoogga badan ee hareereeyay xalalka dhibaatooyinkaas; mugdigaas oo isugu jira quusasho ay qanacsanaan la socoto oo badanaa dadka wadanka ay qabaan iyo nidaamka keli u socodka oo lagu dhex abuuray bulshada wadanka heer walba iyo dhinac kasta.

Mugdiga  quusashada ay qanacsanaanta la socoto wuxuu qeyb ka yahay khaladaadka ugu halista badan oo ay galaan bulshada markii ay ku dhacdo dhibaato qaran burbur ah. Quusashada nuucaan ah waa xaaladda ay wada galaan badanaa bulshada taas oo dhibaatooyin dhacay awgeed ay ka dhigeyso inay si quus ah ugu qancaan xalalka ugu sahlan ee waqtiga dhibaatada jirto hase yeeshee ka dhigayo in dhibaatadii ay sii socoto iyadoo waqti dheer kaddib sii socoshadeeda ay dhibaatadaasi noqon karto mid xalinteeda adagtahay.

Tusaale ; markii wadanka uu gudo galay dagaalkii sokeeye ee billowday 1991-kii ka dib dhicidii dowladii dhexe ee kacaanka waxaa koox aqoonyahanno ah oo tiradooda gaareysay 31 xubnood  qabteen gogol dowladda Jabuuti ay taageereysay oo la damacsanaa in dib la isugu soo dumo Soomaalida oo meeshaas lagu yagleelo dowladda Soomaaliyeed.

Xalka ugu sahlan ee la isku afgartay waxa uu noqday in dowladda wadanka lagu dhiso nidaamka afar dhibic shan oo si kala sarreen iyo lahaansho xilal loo maamulo wadanka , nidaamkan oo ujeedada meel marintiisa ahayd in lagu qanciyo hoggaamiye beeleedyada qaar in wixii xabbad ay ku raadinaayeen ku heli karaan xabbad la’aan ayaa keenay ugu yaraan in uu qaboobo dagaal beeleedyadii mutaxnaa  hase yeeshee ku dhaqankiisa mudada dheer waxa uu abuuray jawi ah in afar dhibic shan nidaam aan aheyn ay bulshada ku wareereeyso ama ay ku dhibaatooneyso.

Haddii dib loo sii baarana ku qanacsanaanta nidaamkan afar dhibic shan wuxuu salka ku hayaa tijaabooyinka dhowrka ah ee fashilmay ee cinwaanka looga dhigay dowlad cusub In afar sanno walba lasoo dhiso taas oo bulshadii looga dhaadhicinayo in fashilka dowladaha kala duwan ee wadanka soo maray uu ka yimid madaxda iyo xubnaha dowladda oo aysan aheyn nidaamka afar dhibic shanta oo ay ku soo baxeen maamulkan.

Nidaamkan oo madax walbo oo ku timaado ay imaanaayaan iyaga oo baalaha ka rifan oo aysan u suuro galeyn inay si saxan wax u soo xulaan ama ay u sameeyaan jawigaas quusta qanacsanaanta ay la socoto waxa uu keenay in bulshada waqtigan aan joogno si taxadar leh u la falgalaan nidaamka la damacsan yahay ee xisbiyada badan in wadanka lagu dhaqo. Dhinaca kale, nidaamka kelli u socodka oo lagu dhex abuuray bulshada wadanka heer walba iyo dhinac kasta  isagana waxa uu ka mid yahay sababaha nagu sii xoojiyay dhibaatada na heysato.

Burburka kaddib bulshada noocyadeeda kala duwan waxaa wax macquul ah aheyd in koox walba ama qof walba uu si gaar ah u hagaajisto danahiisa  laakiin sii daba dheeraanshaha in wali aan la helin maamul iyo hoggaamiyaaal ummaddii u mideeyo danahooda islamarkaana ilaaliya  si wada jir ah.

Waxaa bulshadii ku abuurmay nidaam meelaha qaar iskiisa uga dhismay meelaha qaarna kharash iyo qorshe lagu bixiyay iyadoo la isticmaalaayo nidaam ummaddii u aqrinayo inay kala dano yihiin oo la rabo in qof walba uu gacmihiisa iyo awoodiisa uu ku raadsado masaalixdiisa iyo danahiisa.

Taasi waxaad ka arki kartaa waddooyinka iyo sida gaadiidleyda uu mid walba u hagardaameynayo midka kale , dariska xaafadaha , suuqleyda illaa maamulada gobolada wadanka ka jiro iyo wasaaradaha qaranka oo dhammaantood aad ka dheehan kartid sida ay u dhaqmayaan inay ku saleysantahay inaysan isku masaalix ama isku danba aheyn taas oo kordhineyso dhibaatada bulshada wadanka heysato.  

Ugu danbeyn ummaddaha way ka simman yihiin inay ku dhacaan dhibaatooyin qaran burbur ah hdadana waxay ku kala duwan yihiin sida ay uga baxaan qaran burburkaasi.  Markii umnaddaha ka baxay dhibaatooyinkooda loo fiirsado waxay dhammaantood ka simmanyihiin in bulshadaas illaa ay aqoonsato xaqqa iyo xuquuqda qofka kale ee wadanka la dagan in aysan dhibka ka baxeen , bulsho walbana inta hammigeeda dowladnimo uu la egyahay ayay dowladooda u ekaataa .

W/Q:  Dr Abdi Naasir Shide ( dhaqtar iyo fallanqeeye arrimaha siyaasadda dalka ) 

Aragtida maqaalkan waxay gaar u tahay qoraha, kama tarjumeyso siyaasadda Radio Himilo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan