Home / Arrimaha Bulshada / Maqaal: Ninka lagu naaneeso Aabaha tacliinta dagmada Jalalaqsi

Maqaal: Ninka lagu naaneeso Aabaha tacliinta dagmada Jalalaqsi

Himilo – Markii badankeen aan degnay magaalooyinkii aan wax-barashada u soo aadnay, isagu waxa uu ku laabtay degmadii yaraantiisa uu kusoo barbaaray si uu u buuxiyo boos weyn oo banaanaa oo dhanka wax-barashada ah.

Isaga hortii aad ayay u liidatay wax-barashada magaalada, mana jirin arday ku dhiirranaa inuu dugsiga sare ku qaato: balse markii uu tagay, waxa uu waqti ku bixiyay sidii boorka looga jafi lahaa dugsi hoose iyo dhexe ah oo ay degmadu ay laheyd balse uu burburkii dalku saameyn ku yeeshay, sodon sanno ka horna ay ugu dambeysay in wax lagu barto, kadibna iska noqday goob dameeruhu ku hoydaan!.

Afartii sanno ee ugu horreysay, waxa uu soo saaray ku dhawaad 20 arday. Imtixaanka qaranka oo dowladu qaaday ayayna ardadiisu kaalmaha hore kasoo galeen kaalinta afaraad guud ahaan ardayda iyo kaalinta koowaad dhammaan ardaydii maamul-goboleedyada ka socday.

Waxa uu suuragaliyay markii ugu horreysay imtixaanka mideysan ee wasaarada waxbarashada in lagu gallo dagmada.

Marka inteenna badan aan la tacaaleynay danaheenna gaarka ah, waxa uu ku dadaalayay da’yarta degmada ku nool inaysan wajihin culeyska ay maraan dhallinyarada gobollada uga yimaada inay Muqdisho wax ku bartaan.

Waxa uu suura-galiyay fursad mar la’arag ah.  Waalidiin badan oo ka walwalsanaa carruurtooda inay wax-barasho la’aan ku dhacdo ama halista Muqdisho ka jirtay ay kula soo bareeraan ayuu u fududeeyey inay deegaankooda wax-barasho ku helaan.

Ninka aan ka hadlayo waa Ustaad Mahad Dhaqane Cabdi oo seeska u dhigay in degmada Jalalaqsi ay noqoto hormuudka wax-barashada gobolka Hiiraan. Dadaalkiisa nafhurnimada lihina, kama aysan horjoogsan in isaga oo Jalalaqsi jooga uu jaamacad Malaysia ku taal ka diyaariyo wax-barashada heerka 2aad.

“Ma aheyn howl-fudud in aan hal mar wada noqdo arday iyo bare iyo maamul, balse waan ku qasbanaa in aan waqtigeyga kala qeybiyo,” ayuu yiri ustaad Mahad oo intaas kusii daray: “waa waajib na saaran inaan ka fikirno jiilka innaga dambeeya.”
Maanta degmadda Jalalaqsi waxay ay leedahay 4 dugsi oo hoose, dhexe iyo sare ah. Waxaa sannadkii sadaxaad oo xiriir ah lagu galayaa imtixaanka dugsiga sare ee Wasaaradda Wax-barashada Soomaaliya.
Ustaad Mahad Dhaqane Cabdi waxa uu la kulmay intii uu ku jiray halganka dib-u-habeynta wax-barashada Jalalaqsi dhibaatooyin naftiisa qatar galiyey. “Mar ayaan degmada isaga soo tagay kadib markii aan la kulmay caga-jugleyn iyo culeys joogto ah, balse markii aan is barbar-dhigay culeyska i heysta iyo culeyska dhanka wax-barashada ka heysta degmada, waxaan go’aansaday in aan ku noqdo,” ayuu yiri ustaad Dhaqane.

Dhibaatada guud ee dalka ka jirta gaar ahaan mida ka jirta degmooyinka gobolka Hiiraan waxay ku qasbeen macalin dhaqane in uu qatar badan u bareero, naftiisana ay halis ku gasho, isagoo u dadaalaya hormarinta waxbarashada magaalada.

Macalimiinta Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo Ustaad Dhaqane waxa ay naga  mudan yihiin in aan muujino maqaamkooda iyo in aan siinno karaamada ay agteenna ku leeyihiin.

Faahfaahin ku saabsan degmada Jalalaqsi.

Jalalaqsi waa degmo ku taalla koonfurta gobolka Hiiraan. Waxaa mara Webiga Shabeelle. Waxay caan ku tahay beeraha. Waxayna leedahay taariikh aad u fog. Sannadkii 1980-kii waxaa magaalada Jalalaqsi ku yaalay afar xero oo ay ku noolaayeen dad ka badan 85,000 qof oo Soomaali ah. Dadkaas badankooda waxaa keentay dowladdii militariga kadib markii ay saameysay abaarkii Dabadheer ee 1974-kii. Wakhtigaasi waxay ahayd magaalada midda saddexaad ee ugu dadka badan Soomaaliya; waxaa ka dad badnaa keliya Muqdisho iyo Hargeysa.

 

Waxaa qoray: Cali Hilowle

kala xiriir: Achilowle@gmail.com

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan