Maqaal: Maxaa laga barankaraa doorashada kadhacday Puntland maadaama Sanadka 2024 uu dalka u yahay Sanad doorasho?

Himilo – Puntland waxaa ka dhacay doorashada madaxtinimada, halkaas oo ay ku tartameen 11 musharax madaxweyne iyo 11 musharax madaxweyne ku xigeen.

Doorashada Puntland waxay aheyd mid kamid ah doorashooyinkii ugu adkaa ee maamul goboleedyada lagu qabto. mudo dhowr bilod ah oo ay iskuheysteen dhinacyadu qaabka ay noqoneyso doorashada ugu dambeyntii waxaa laysku af-gartay in lagu qabto noocii doorasho ee Puntland ay horay ugu soo caano maashay waana qaabka odayaashu ay soo xulayaan xildhibaanada kadibna xildhibaanadu dooranayaan madaxweynaha iyo kuxigeynkiisa.

Wareegii labaad ee doorashada waxaa u gudbay illaa sadax musharax oo kala ahaa Saciid Cabdillaahi Dani oo helay 35 cod, Dr Guulleed Saalax  oo helay 9 cod iyo Abshir Cumar Jaamac oo helay 8 cod

Halka wareegii sadaxaad oo ay u gudbeen Madaxweyne Dani iyo Dr Guulleed sidaa ayuuna ku soo baxay Saciid Dani oo helay wareegii sadaxaad 45 cod halka Dr Guulleedna uu helay 21 cod, waxaa sidaa madaxweynaha Puntland ee shanta sano ee soosocota ku noqday Madaxweyne Saciid Dani.

Puntland iyo guud ahaan Soomaliya waa markii ugu horeyse ee madaxweyne Kursiga ku fadhiya uu markale doorashada ku guuleysto.

Maxaa laga barankaraa doorashada ka dhacday Puntland

Kaliya ma ahan Puntland maamulada ay kadhacayso doorasho madaxweyne. Sanadka 2024-ka waxaa lafilayaa in uu noqdo sanad mideeya dhamaan dowlad goboleedyada doorashadooda, shirkii ugu dambeeye ee yeesheen ‘madasha qaran’ oo ay ku mideysan yihiin dowlad goboleedyada iyo dowlada dhexe waxaa laysku raacay in lamideeyo doorashooyinka dowlad goboleedyada iyadoo markaa mid hal sano loogu daray maadaama qaarkood waqtigu uu ka dhacaye sanadkii dhamaaday ee 2023-ka.

Mideynta doorashooyinka dowlad goboleedyada ee lagu heshiiye waxay kadhigan tahay in leesugu tagi doono sanadkan aan kujirno bishiisa October, dhanka kale doorashooyinka meelaha qorsheysan inay ka dhacaan waxaa mid ah maamulka Soomaaliland oo bisha November lagu balansanyahay in doorasho madaxtinimo ay kadhacdo taas oo kadhigan in sanadkan uu dalka u yahay sanad doorasho.

Maamulada kale ayaa kuqasbay inay raacaan wadada ay martay Puntland si looga baaqsado dagaalo iyo ismariwaa siyaasadeed oo dhashay hadii ay iskudayaan inay waqtiga kororsadaan, maamulka Puntland ayaa ah illaa haatan maamulka kaliya ee doorashada waqtiga looqoondeeye ku qabta marka labarbar dhigo maamulada kale oo mid halsano ku darsaday iyo Soomaaliland oo madaxweyne Muuse biixi labo sanno loo kordhiye.

Gabagabo

Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanayo dagaalo mudo Sodon sano jiray ayaysan dadka shacabka ah u suuragalin inay doortaan hoogaankooda, sidaa owgeed ayay shacabku u hamuun qabaan inay helaan hogaamiye gaarsiiya doorasho qof iyo cod ah, marka laga yimaado Soomaaliland oo shacabku ay hogaankooda si toos ah u soo doortaan, Meesha labaad ee rajada ugu dhow laga qabo in shacabku ay madaxdooda soo doortaa waa maamulka Puntland oo deegaanada qaar tijaabo hordhac ah laga sameey, madaxweynaha haatan dib loodoortay ayaana laga filayaa in uu himiladaas kamira dhaliyo.

 

Qalinkii Cali Hilowle

kala xiriir: achilowle@gmail.com 

error: Copy lama Ogola Fadlan