Home / Arrimaha Bulshada / Maqaal: Maxay tahay sababaha ay u gubanayaan suuqyada Soomaalida?

Maqaal: Maxay tahay sababaha ay u gubanayaan suuqyada Soomaalida?

Himilo-Suuqii ugu dambeeyay ee dab uu qabsado suuqyada Soomaalida waxa uu noqday suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada.

Dabka ayaa geystay khasaare hantiyeed oo aad u badan, iyadoo aysan jirin cid wax ku noqotay dabkaasi sida ay wariyeen hay’adaha amaanka.

Dabka ayaa ka billowday qeybta dharka ee ku dhow Masjidka Marwaas, iyadoo aan isla markii lala tacaalin sidaas darteed ayaa sababtay inuu fido.

Inkasta oo gaadiidka dab-damisku ugu dambeysii dabka baqtiiyey haddana waxaa burburay oo uu dabku saameeyay hanti badan oo suuqa taallay.

Qeybta suuqa ee dabku qabsaday waxaa lagu iibinayay badeecado nuucyadeeda kaladuwan, dadka qaar waxay sheegeen markii ay suuqa yimaadeen inay xataa garan waayeen halkii dukaandoodu ay ku yaalleen.

Buqaari Xasan Maxamed waa midkiilaha Carwada ‘Xul style’ waxa uu iibinayay dharka dumarka, waxaa baaba’ay guud ahaan dukaankiisii, isaga oo taagan irrida dukaankiisii waxa uu sheegay in hantida uga gubatay ay gaareyso afartan kun oo doollor.

“Reerkeyga, waalidkay iyo dad kale oo badan meeshan ayay ku tiirsanaayeen,” ayuu yiri. Wuxuu intaas raaciyay ‘shalayna hanti ayaan heystay maantada waad u jeedaan’.

Buqaari kaliya ma ah dadka ku hanti beeray suuqan gubtay boqolaal qoys oo kale oo hanti la ahaa ayaa ku ceyroobay, dabka. Meelaha sida weyn u gubtay waxaa kamid ah suuqa qudaarka oo hooyooyin badan ay ka heli jireen nolol maalmeedka carruurtooda.

Maamo Canab oo kamid ah maamooyinka suuqa ku iibinayay qudaarta ayaa kamid ah dadka ku hanti beelay dabka iyadoo hor-fadhisa dukaankeedii oo ay ka soo hareen jiinkado gubtay ayay sheegtay inay tahay markii labaad oo uu dukaan ka gubto, saddax miis oo ay laheyd ayaa dhamaantood bas beelay.

“Hantideenna meeshan waa ku ba’day, majirin meel aan ka soo gali karnay markii damku uu socday maaddaama ay askar dadka celineysay,” sidaa waxaa tiri Maamo Canab.

Dabka baabi’iyay suuqa Xamar-weyne waxaa la sheegay in uu ka bilowday goob harqaan ah.

Suuqyada Soomaaliya ee gubtay ma ahan kaliya suuqa Xamarweyne horay waxaa u gubtay suuqyo kale oo ku yaal magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya. Sanadihii ugu danbeeyay suuqyada gubtay waxaa kamid ah, suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa oo uu dab qabsaday 2 Abriil 2022, hantida Waaheen ku gubatay waxaa lagu qiyaasay $2.5 milyan. Suuqa Gaarisa  23 Juun 2022, Suuqa Jijjia 8 July 2023, suuqa Wajaale oo isna gubtay 16 September , 2023.

Maxay tahay sababaha ay u gubanayaan suuqyada Soomaalida?

Aqoonyahannada Soomaaliyeed aragtida ugu badan ay aaminsan yihiin inay sabab u tahay gubashada suuqyada Soomaaliya waxaa ciriiriga suuyada ka jira iyo goobaha lagu ganacsado oo cooshado ka sameysan.

Maxamad Sheikh Yuusuf Baarri waa la taliye ganacsiga waxa uu aaminsanyahay dhibaatada ugu weyn ee heysata suuqyada dalka inay tahay wacyigalin la’aan.

Mr Yuusuf dhowrkan qodob ayuu ku soo koobay sababaha suuqyada Soomaalida ku soo celceliyo gubashada waxa uuna yiri.

  • Badi suuqyada waa cooshado iyo jiinkado taaso u nugul gubashad.
  • SuuqyadA qaarkood waxaa lagu dhex iibiyaa walxo u nugul kicinta dabka sida shidaalka iyo wixii lamid ah.
  • Ganacsatadu kama taxadarto waxyaabaha qatarta keeni kara, iyadoo mararka qaar goob shidaal lagu iibiyo uu qof sigaar ku cabayo.
  • Iyo sababe kale oo badan.

Ugu dambeyntii

Dabku waxa uu siweyn u naafeeyay hantidii Soomaaliyeed waxa uuna u baahanyahay qorshe balLaaran  ay iska daadihiyaan dawladda iyo ganacsatada.

 

Qalinkii: Cali Hilowle

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan