Home / Arrimaha Bulshada / Maqaal: Maxay xaaladda Muqdisho ka badaleen ganacsiyada Yaryar?

Maqaal: Maxay xaaladda Muqdisho ka badaleen ganacsiyada Yaryar?

Himilo – Muqdisho waxaa laga dareemayaa hormar baaxad leh oo dhanka gacansiga ah, marka dib loogu noqdo tobankii sano ee tagay xaalku wuu ka duwanaa sida uu hadda ku socdo oo ah in meel walbo oo magaalada kamid ah laga dhisayo guryo dabaqyo ah iyo ganacsiyo waaweyn oo magaalada bilicdeeda waxbadan ka beddelay.

Hormarka magaalada aad ka jira keliya ma ahan guryaha dabaqyada ah ee la dhisayo ama la dayac-tirayo sidoo kale waxaa jiro ganacsi xoog leh oo magaalada laga furayo.

Dalka oo waqti dheer burbur ku jirtay islamarkaana dhaqaalihiisu uu liitay ayaa mudooyinkan dambe waxaa laga dareemayay horumar dhanka ganacsiga ah kuwaas oo ay la yimaadeen dhallinyaro dalka dibadiisa ka yimid iyo qorrax joog ah.

Koboca ganacsi ee magaalada waxa uu dowr ka qaatay in dhallinta qaarkeed ay helaan shaqooyin inkastoo weli in badan oo kamid ah ay ku  jiraan dedaal shaqo doon ah.

Ganacsiyada magaalada Muqdisho laga hergaliya waxaa kamid ah warshad soo saarta dhuxusha casrigaa iyo agabyo kale.

Warshadaa marka laga yimaado dhallinyarada hirgalisay oo magac iyo maalba ka sameeyay waxaa jiro qaar kale oo nolol maalmeeldooda ka hela oo ku tiirsan.

Inta badan da’yarta marka ay Jaamacadaha dhameeyaan waxay ka fekeraan halkii ay shaqo ka heli lahaayeen balse kooxda warshada sameysay waxay mareen mid ka duwan waddooyinkii jiilkii ka horeeyay ay marijireen ee shaqo raadinta aheyd, iyaga ayaana abuurtay shaqo.

“Markii aan jaamacadda soo dhamanay waxaa na hortaalay labo doorasho mid waa in aan noqono shaqaale. Midda kale waa in aan noqono loo shaqeeye. Annaga waxaan dooranay midda dambe, maantana waan ka miro dhalinay,” sidaas waxaa yiri Cabdullaahi Sayir Axmed Maxamed oo kamid ah madaxda warshada soo saarta dhuxushada casriga ah.

Shaqadan warshadan waxay soo billaabeen sanadkii 2018. Waxay soo mareen heerar kala duwan iyo caqabado marba meel uga soo baxayay illaa ay gaaraan heer iskufilnaasho ah.

“2018 macaamiisheenna waxa ay ku koobnayd dhowr maqaayadood, balse hadda xaafadaha ayaa nabartay oo macaamiil noo ah. Cabdullaahi ayaa sidaa yiri isagoo intaa ku daray  ‘Sabar badan kadib maanta heer fiican ayaan joognaa.

Dhowr iyo toban qof oo isugu jira shaqaale heerarkoodu ay kala duwan yihiin ayaa ka shaqeeya warshada kuwaas oo nolol maalmeedkoodu ku tiirsanyahay. Waxaana kamid ah Cabdirisaaq Nuur Xaaji.

“Waqti dheer oo shaqo la’aan ah kaddib maanta shaqo aan waxbadan ka bartay ayaan heystaa,” sidaas waxa yiri Nuur Xaaji oo kamid ah qeybta waxsoosaarka warshada dhuxushada sameysa.

Hal-abuurada ganacsi ee dalka ka hanaqaaday mudooyinkii ugu dameeyay waxay noqon karaan ififaalo muujinaysa in dalku uu u jihaystay waddadii horumarka waase hadii la dhiira geliyo dhallinyarada la imaanaya fekradaha ganacsi ee waxtarka u leh dalka iyo dadka.

 

Waxaa qoray: Cali Hilowle

Achilowle@gmail.com 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan