Home / Arrimaha Bulshada / Maqaal: Nabad dhisidda iyo kaalinta Gabyaaga Soomaaliyeed.

Maqaal: Nabad dhisidda iyo kaalinta Gabyaaga Soomaaliyeed.

Himilo – Waxaa in badan dhacda in bulsho meel wada dagta colaadi dhex marto waxay ku bilaabataba, dabadeedna wax yeelo lays gaarsiiyo sida in la is-dilo, la is-boobo, la-is barakiciyo ama la kala fogaado. halkaa waxaa ku luma xiriirkii iyo horumarkii la beegsan lahaa.
Sida innaga oo kale, dalal badan ayay tani qabsatay nasiib wanaag kuwo way is dabo qabteen kuwana dhibaatadu way ku gaamurtay oo waxa ay ka reebtay hayaanka horu u socodka horumarka ee qolaba meel dhigay weliba tartankiisa uu socdo.
Marka dhib weyni bulsho kala gaaro sida colaad lagu ba’ay waxaa adag in durba ay wada jaanqaadaan dadweynuhu sababtoo ah waxaa dhinac kasta u muuqda dakharadii kala gaaray, waxay ugu sii daran tahay marka dakharadaas aan loo dhayin habkii haboonaa.
Tani waa tusaale nool oo lagu arko wadamada dagaaladu ka dhacaan, waxayna dabin u dhigtaa dadaal kasta oo lagu doonayo in dadka la isugu soo dhaweeyo, waxaan maqalnaa shir loo qabtay bulsho colaadi dhex martay haddana marka shirku dhamaado waxaa suura gal ah inuu dhibkii sii kordho!.
Waxaa la is-weydiin karaa sababtu maxay tahay? Inkasto oo ay u baahan tahay baarid dheer haddana waxaa meesha ku jirta in dadka shirka heshiisiinta loo qabtay aysan aheyn marar badan kuwii dhibka weyn ka dhaxeeyey ama boogihii colaadda dib loo danqay.
Si kastaba in dib loo walaaleeyo bulsho sanado dhibaato ka dhex taagneyn waxa ay qaadan kartaa wakhti aan yareyn, hase ahaatee haddii bulshada koox waliba ay u gunti xirato dib u nabadeynta waxa dhacaysa in geedaha nabadu dib u baxaan lagaba yaabo inay ka har fiicnaadaan kuwii hore.
Maadaama heshiisiinta bulsho is-gacan qaaaday ay u baahan dhinacyo badan oo midba dhankiisa kaalin ciyaaro qormadan waxaan ku soo qaadaneynaa nabad dhisida iyo kaalinta abwaanka Soomaaliyeed,

Nabad dhisida iyo kaalinta abwaanka Soomaaliyeed


Nabaddu waa helitaan nooluhu uu helo xasillooni isagoon ka baqayn colaad iyo wax dhibaateeya. Nabaddu waa tiirka koowaad ee aasaaska nolosha.
Nabaddu waxay door weyn ku leedahay horumarka dalka iyo bulshada. Waayo aasaaska horusocodka nolosha. Dal iyo bulsho aan haysan nabad ma heli karaan nolol, iyo dhaqaale.
Maaddaama bulshada Soomaalidu ay u badan tahay reer miyi, isqabqabsiga ugu badan waxa uu ka imaan jiray dhinaca daaqa iyo biyaha. Qeyb kamid ah deegaanada Soomaalidu dagto marka ay abaari ku dhufato xoola dhaqatadu waxay ku qasbanaayeen inay u raadiyaan xooladooda meel daaqsi iyo biyo leh.
Waxay isugu tagi jireen meesha tigaadda leh. Waxaa dhasha qilaaf ku saleysan dhulka taasina waxay keentaa in lays qabto oo ladagaalamo.
Dadka colaadda damiya xilliyaas oo kale waxaa ka mid ah abwaannada oo suugaantooda u adeegsada nabadaynta beelaha iyo oday dhaqameedka.
Abwaanadu door fiican bay ka qaataan heshiisiinta waayo waxay hal abuurkooda uga qayb qaadan jireen joojinta colaadaha sokeeye.
Waxay curin jireen riwaayado, gabayo, heeso iwm kuwaas oo dadka loogu sheegayo nabadda iyo muhiimaddeeda iyadoo dhinacyo kala duwan laga tusayo.
Waxaa jira gabayo iyo heeso dhowr ah oo laga tiriyay nabadda iyo wacnaanteeda. Halkan ayaana kuugu soo gudbinayaa dhowr kamid ah heesa iyo gabayadaas.

Abwaan Axmed Maxamed Cagmadhige ayaa gabaygan ku cabbiray Nabadda, isaga oo yiri.
Inay nabadu guri hooyo tihiyo gogoshi kuu-tiilay.
Goobjoog nin kii shalay ahaa wuu garwaaq sadayee
Caqli gii guran baan ogayn guul inay tahayee
Waa goodan barwaaqoo rimaan gaawa loo sidayee
Kolna waa gabaad lagu nastiyo gama’a laseexdaayee


Heestan waxay kamid tahay kuwa ugu facaweyn ee nabadda loo mariyay, waxaana miraheeda leh Abwaan Cabdullahi Timacadde.
Illayn noloshu nuur male
Haddii nabad la waayo
Naxli loo ma hiilliyo
Nabadda iyo noloshuna
Waa nal iyo nuurkiis.
Noolaha idilkiis
Nabad bay ku naalloon


Gabaygan waxaa sameeyay Abwaan Negeeye Xirsi.
Nabad baa Macaanoo janna ah Naallo iyo Khayre.
Waa Naruuro Lagu doogsadoo Naas la nuuga lehe.
Nimco iyo barwaaqiyo Udgoon waa Naq aan go’ine.
Naamuuska doogiyo iftiin Nuurka iyo Kaaha.

 

 

 

Waxaa diyaariye: Cali Hilowle 

Achilowle@gmail.com 

 

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan