Home / Caruurta / Maqaal: Sheekooyinkii waayeelku ay carruurta uga sheekeyn jireen ma waxaa beddelay aaladaha casriga ah?

Maqaal: Sheekooyinkii waayeelku ay carruurta uga sheekeyn jireen ma waxaa beddelay aaladaha casriga ah?

Himilo – Barbaarinta carruurta waa xirfad ay waalidiintu is dheer yahiin. Qofka barta waxaa inta badan laga gartaa hab dhaqankiisa tarbiyaynta ubadka. Waayo xigmad caan ah ayaa tiraahda, “Qof walba wuxuu bixiyaa, wuxuu hayo!”. Sidee ayuu waalidka ilmahiisa si wanaagsan ugu barbaarin karaa, haddii uusan ogayn ama aqoon waajibka saaran?

Carruur badan ayaa maanta ku sugan xaalad aad looga naxo; akhlaaq ahaan, diin ahaan, waxbarasho ahaan iyo bulsho ahaanba. Taasna micnaheedu ma aha in ay ilmahu xumaan ku dhasheen balse waxay u badan tahay inay gacanta ugu jiraan waalidiin aan aqoon u lahayn barbaarinta habboon. Bulsho xunna ma jirto ee waxaa jira bulsho ka kooban qoysas aan aqoon u lahayn sida carruurta loo ababiyo. Dabcan dhallintaa aan la tarbiyayn waxay bulshada ku tahay dhaawac wayn oo khatar ku ah diinta iyo nolosha.

Xilliyadii hore waxaa jiray xiriir weyn oo dhaxmara carruurta iyo waalidka, hadii waalidku uu shaqo ama howl-maalkeed ku mashquulsan yahay waxaa carruurta xiriir wanaagsan lalahaa waayeelka ehelka ah ee guriga jooga oo carruurta uga sheeken jiray sheekoooyin dhan walba ka dhisaya. Hadda duniga waa isbeddeshay, waalidkii iyo carruurtiisu waa ay kala mashquuleen, waalidku inta badan waxa uu ku mashquulsan yahay howlihiisa gaarka ah haddii uu guriga uu joogo xitaa halka carruurtiina lagu mashquuliyay aalahada casriga ah sida taleefannada ama Tv-ka.

Hooyadu waxa ay ubadkeeda u dhiibtaa taleefanka si uusan uga mashquulin howlaha ay qabanayso, taas waxay meesha ka saartay xiriirkii dhaxmari lahaa.

Waxaa badatay xanuunada Nafsiga iyo kuwa aragga ku dhaca, maaddaama carruurtii ay lafalgalayaan wixii ay taleefannada ka daawadaan.

Haddabada ma jiraan dhaqamo ay carruurta ku soo kordhiyeen taleefannada lagu mashquulinayo?

Su’aashaa waxaan waydiiyay hooyo Asma Maxamed Sheekh waxayna ku jawaabtay.

“Haa, dabcan way jiraan dhaqan aan ku arkay markii uu taleefanka la qabsaday kadib, waxaa ka mid ah in uusan raashinka cunayn illaa taleefanka loo shido,” ayay tiri.

Carruurto ayaa ahmiya siiya taleefannada beddelkii waalidka iyo dadka kale ee jooga guriga ay la ciyaari lahaayeen, taasina waxay soo dajajisaa in fahanka hooyada iyo canuga ka dhaxeeya uu yaraado.

Aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa aaminsan in taleefannadu ay jareen xiriirka qoyska.

‘Marka canugu uu ku barbaaro taleefan daawashadiisa waxa uu qaadanayaa dhaqanka waxa uu taleefanka ka arkay halkii ay aheyd in uu kan waalidka qaato’ sidaa waxaa yiri ustaad Cabdullaahi Baydhabo oo ku taqasusay cilmi nafsiga.

Gunaanad

Xilliga haatan lagu jiro waa xilligii tignoolajiyada, isticmaalka taleefannada waxay noqdeen lama huraan balse waxaa dhanka kale lagama maarmaan ah in carruurtu ay helaan waqti ay la sheekaystaan waalidka ama waayeelka guriga jooga si ay maskax ahaan u koraan.

 

Qalinkii Cali Hilowle

Kala xiriir: Achilowle@gmail.com

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan