Himilo- Maxaa Layiraahdaa Dhir?
Dhirto waa nooleyaal cagaaran oo ku tiirsan qoraxda si ay u sameeyaan tamar. Waxay ka kooban yihiin jirrid, laamo, caleemo, iyo xidido, waxayna soo saaraan. Dhirto waxay ka mid tahay qaybaha ugu muhiimsan ee nolosha, waxayna gacan ka geystaan sii wadista nolosha noolaha kale, sida xayawaanka iyo bini’aadamka.
Dhirta waxay leedahay faa’iidooyin badan oo dhinacyo kala duwan ah:
Ogsajiin Soo Saarka: Dhirta ayaa soo saarta ogsajiinta aan u baahanahay si aan u neefsano. Waxay isticmaashaa dhirto cadceedka qoraxda si ay Carbon dioxide uga saaraan hawada una bedelaan tamar iyo ogsajiin.
Cuntada: Dhirta waxay bixisaa cunto sida miraha, khudaarta iyo dalagyada kale. Waxay sidoo kale muhiim u tahay xoolaha iyo duurjoogta.
Daawooyinka: Qaar badan oo ka mid ah daawooyinka dabiiciga ah waxaa laga soo saaraa dhirta, waxaana loo adeegsadaa daweynta cudurada kala duwan.
Hagaajinta Hawada: Dhirta waxay nuugtaa wasakhowga hawada, taas oo ka dhigeysa in hawada ay nadiif noqoto.
Ilaalinta Carrada: Dhirta waxay gacan ka geysaneysaa ilaalinta carrada si aysan u nabaadguurin. Xididdooda ayaa xirta carrada oo ka hortagta daadadka iyo nabaadguurka carrada.
Heerkulka iyo Cimilada: Dhirto waxay hoos u dhigtaa heerkulka iyadoo soo saarta qoyaan iyo hoos, taas oo caawisa qaboojinta deegaanka.
Maxay tahay faa’iidada ay dhirto u leedahay Deegaanka?
Dhirto waxay door muhiim ah ka ciyaartaa ilaalinta iyo kor u qaadida deegaanka. Waxay xakameeyaan nabaad guurka, ka hortagaan dhibaatooyinka deegaanka, waxayna abuuraan jawi nadiif ah oo lagu noolaan karo. Sidoo kale, dhirta waxay caawisaa in ay hoos u dhigaan saameynta isbadalka cimilada, sababtoo ah waxay nuugaan Carbon dioxide oo ah gaaska ugu badan ee keena kuleelka adduunka.
Dhirta waxay sidoo kale xoojisaa kala duwanaanta noolaha iyadoo bixisa deegaan ku habboon noocyada duurjoogta. Waxay sidoo kale abuuraan muuqaal qurux badan oo dabiici ah, taas oo ka dhigan in magaalooyin-ka iyo tuulooyin-ka ay noqdaan kuwo ladagi karo.
Haddii deegaanka la xaalufiyo, maxaa dhici kara?
Xaalufinta dhirta waxay horseedi kartaa dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin:
Nabaad Guur: Carradu waxay noqon kartaa mid dhaqso u baabada, taasoo keeneysa luminta wax soo saarka beeraha.
Noolaha qaar oo dhamaada: Xaalufinta dhirta waxay burburin kartaa deegaanka duurjoogta, taas oo sababi karta in noocyada kala duwan ee noolaha ay dhintaan ama ka guuraan aagagga.
Isbeddelka Cimilada: Xaalufinta dhirta waxay kordhisaa heerka Carbon dioxide ee hawada, taasoo ka dhigan inay sii kordhaan dhibaatooyinka isbadalka cimilo sida kuleylka.
Dhibaatooyin Caafimaad: Hawada oo wasaqowda iyo heerkulka oo kordha waxay wax u dhimi karaan caafimaadka dadweynaha, waxayna keeni karaan cuduro sida neef ama xanuunada sambabada.
Xaalufinta deegaanka iyo dhibaatada uu ku hayo Soomaaliya
Xaalufinta deegaanka waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka jira Soomaaliya, waxayna saameyn xun ku leedahay nolosha dadka, deegaanka, iyo dhaqaalaha. Soomaaliya, oo leh deegaan ballaaran oo isku dhafan oo ka kooban lama degaan, guban iyo keymo, xaalufinta dhirta iyo waxyeellada ka dhalata waa arrin walaac weyn ku abuurtay dalka muddo tobannaan sano ah.
Sababaha Xaalufinta Deegaanka ee Soomaaliya
Dhuxusha: Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu weyn ee xaalufinta deegaanka Soomaaliya waa goynta aan xadidneyn ee dhirta si loo sameeyo dhuxul. Dhuxusha waxaa si ballaaran loogu isticmaalaa magaalooyinka dalka oo dhan.
Dagaallada: Dagaallada iyo khilaafaadka ka jira Soomaaliya waxay uga sii dareen xaalada deegaanka. Barakaca ka dhasha colaadaha ayaa sababay in dad badan ay ka guuraan deegaanadooda. Dadkaasi si ay deegaan cusub u helaan waxay jaraan dhirta iyagoo ka dhiganaya guryo ay ku hoydaan taasoo keentay xaalufin dheeraad ah.
Isbedelka Cimilada: Isbedelka cimilada ayaa sidoo kale door ka ciyaaray xaalufinta deegaanka Soomaaliya. Abaarta soo noqnoqota ayaa yareysa awoodda dhirta inay dib uga soo kabato xaalufinta, waxayna sidoo kale sababtaa in dhul badan uu noqdo lama degaan ama saxare.
Maxaa xal u ah xaalufinta deegaanka Soomaalida?
Dib u Beerista Dhirta: Waxaa muhiim ah in la sameeyo olole qaran oo ku saabsan dib u beerista dhirta. Barnaamijyada dib u beerista dhirta ayaa lagama maarmaan u ah soo kabashada deegaanka. Waxaa lagama maarmaan ah in lagu dhiirrigeliyo dadka inay geedo beeraan.
Sharciyo iyo Siyaasado Waara: Dowladda Soomaaliya iyo maamullada gobollada waa inay soo saaraan sharciyo adag oo ka hortagaya goynta dhirta sharci darada ah. Wacyigelin iyo sharci fulin waa lagama maarmaan si loo yareeyo xaalufinta.
Xoojinta tamarta la cusbooneysiin karo: Waa in la sameeyo xalal kale oo lagu beddelo dhuxusha, sida kor u qaadista isticmaalka tamarta la cusboonaysiin karo (solar energy) iyo gaaska dabiiciga ah. Tani waxay yareyn kartaa baahida loo qabo dhuxusha, taasoo yareynaysa goynta dhirta.
Wacyigelinta Bulshada: Wacyigelinta bulshada ayaa muhiim ah si loo fahmo dhibaatooyinka xaalufinta iyo sida looga hortagi karo. Waxbarashada ku saabsan ilaalinta deegaanka waa in lagu daro manhajka dugsiyada si ay caruurtu u fahmaan muhiimada dhirta iyo deegaanka.
Gabagabadii xaalufinta deegaanka ee Soomaaliya waxa uu leeyahay saameyn ba’an oo ku saabsan nolosha dadka iyo deegaanka. Waa muhiim in la qaado tallaabooyin waara oo lagaga hortagi karo xaalufinta si loo badbaadiyo nolosha dadka, xoolaha, iyo deegaanka mustaqbalka fog.
Waxaa qoray: Cali Hilowle
Achilowle@gmail.com