Himilo – Tan iyo burburkii dalka xeebaha Soomaaliya waxay noqdeen kuwo dayacan. Waxyaabaha laga diiwaan galiyay waxaa ka mid ah sumeyn joogta ah, xaafulin xad dhaaf ah iyo dhibaatooyin kale.
Waxay soo gaartay heer ay dawladdo la bareeraan damacooda inay badda qeyb ka yeeshaan. Tusaale Ethiopia ayaa sheegtay inay xeebaha waqooyiga ka samaysanayso sal iyo deked.
Arrintan ayaa bannaanka keentay sida ay baylac u yihiin xeebaha dalka. Dhacdadaas ayaa soo dedejisay inay dawladda Soomaaliya heshiis difaac la gasho dawladda Turkiga.
Hadabada Xal miyaa loo helay Xaalufintii xeebaheenna?
Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Turkiga ayaa siddeeddii bishan Febraayo kala saxiixday heshiis isugu jira mid difaac iyo iskaashi dhaqaale, iyadoo sida la sheegay, ‘sare loogu qaadayo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal ka dhaxeeya iyo deganaanshaha gobolka’.
Yasar Guler, wasiirka difaaca ee Turkiga iyo dhiggiisa Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa heshiiska u kala saxiixay labada dal, xaflad ka dhacday caasimadda Turkiga ee Ankara.
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu, labada dhinac waxay yeesheen kulamo dhex maray wufuuddooda.
“Soomaaliya waa bahwadaag Afrika oo muhiim u ah Turkiga, Wadahadallo waxtar leh ayaan dhigayga la yeeshay, Wada xaajoodkeenna oo ku dhacay jawi diirran, xiriirkeenana sii wanaajiyay, ayaan ku celinay mar kale muhiimadda aan siinayno gobanimada iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Yasar Guler kulanka ka dib.
Madaxweynaha Turkga Rajep tayyib Erdogan oo ku sugnaa Qaahira waxaa uu ballan-qaaday in ay difaacayaan madaxbannaanida Soomaaliya.
Erdogan oo dalkiisu heshiis difaac la galay Soomaaliya ayaa sheegay in ay wada hadal la yeesheen dalalka Liibiya, Soomaaliya iyo Suudaan ayna ku heshiiyeen ilaalinta xornimada iyo midnimada dalalkaas.
Waxaa la sheegayaa in qoddobada heshiiska ay ka mid yihiin in Turkigu uu Soomaaliya siinayo hub culus, balse lama oga ilaa hadda nooca hubka iyo tiradiisa.
Waxaa kale oo la sheegay inuu jiro qorshe kaas barbar socda oo ciidanka badda ee Turkiga ay markab ama maraakiib dagaal u soo diri doonaan badda cas.
Waxaa kale oo heshiiskan uu ku soo aadayaa iyadoo badda cas ay ka socdaan hawlgallo milatari oo ciidamada uu Maraykanku hogaaminayo ay kaga hor jeedaan Xuutiyiinta Yemen ee bar-tilmaameedsanaya maraakiibta isticmaasha marin biyoodka Baabul Mandab.
Soomaaliya ayaa gashay heshiisyo dhowr ah tan iyo markii uu soo shaac baxay in khilaaf diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Itoobiya.
Is-afgaradka Soomaaliya iyo Turkiga dhaxmaray waxaa ansixiyay baarlamaanka dalka taas oo ka dhigan inuu yahay sharci. Hadabada muxuu Soomaliya uga dhigan yahay heshiiskan su’aashaas waxaan hordhignay Dr. Maxamed Xuseen Ciise Dr: Liibaan oo ah barre ka tirsan jaamacadda Muqdisho kana mid ah madaxda bulshada rayidka ah ee Muqdisho.
‘Waa heshiis militarI oo xagga difaaca iyo istaashi ku saleysan, kuna saleysan sidii Soomaaliya loogu sameyn lahaa ciidan badda ilaaliya. Sidoo kalane looga ilaalin lahaa xeebaha Soomaaliya suntan lagu shubo ama kalluumeysiga sharci darrada ah ee laga sameeyo,” ayuu yiri
Xaaladda uu ku soo aaday heshiiskan waa mid xiisaheeda leh, xilli Ethiopia ay doonayso inay xoog ama xeelad ku hesho marin biyood ayuu heshiiskan ku soo beegmay.
‘Waa heshiis in badan oo aqoonyahanka Soomaaliyeed ay soo dhaweeyeen, waa marxalado aysan dowladi keligeed istaagin oo isgaashaan buursi uu lama huraan yahay,’ sidaa waxaa markale yiri Dr: Liibaan
Soomaali badan waxay dowlada Turkiga u arkaan walaal xilliyo adag shacabka Soomaaliyeed garab istaagay, sidaan oo kale mar dalku uu galay marxalad halis ah oo dad badan ay u dhimanayeen abaaro dalka ku dhuftay ayay dowlada Turkiga ku soo dhiiratay inay Soomaaliya u soo gurmato.
Waxaa qoray: Cali Hilowle
Achilowle@gmail.com