Home / Arrimaha Bulshada / Maqaal:Xilli-roobaadka iyo xanuunka duumada

Maqaal:Xilli-roobaadka iyo xanuunka duumada

Himilo – Waxaa dalka ka curtay roobkii Gu’ga.Waxa uu yimid waqti baahi wayn ay u qabeen ummadda Soomaaliyeed oo la daalaacayay kuleyl darran iyo abaar weli saameynteeda tabani taagan tahay.

Marka laga yimaado in biyaha roobka ay innaga caawiyaan inaan soo saaranno cunto aan quudanno, amaba aan naq u helno xoolaha ay nolosheennu ku tiirsan tahay, Roobka waa isha koowaad oo ay aadanuhu ka helaan biya nafiid ah oo ay cabaan, siyaabo kala duwan ba ha u keydsadaane.

Dad qeybtood oo u badan qoysaska ku nool dhulka miyiga ah ee dalka, waxey u qotaan/dhistaan baraago, si ay ugu keydsadaan biyaha roobka, halka dhulalka leh biya-qabadkana dadka ku nool ay waayo ku moodaan biyaha xilli roobaadka u gala balliyada.

Biyaha roobka ka hoora magaalooyinka dalka, badanaa lama keydiyo oo waxa uu ay u dhammaadaan hadba halkii godan ee celin karto, inta badan na lagama faa’iideysto waa tii Abwaankii Soomaaliyeed AUN ee C/llaahi Shube uu lahaa “Roob magaalo ku hooray-na, ramaad sooma baxshee, Laamiguu raftaa”

Marka aanu ka imaano faa’iidooyinka roobka ee aan lasoo koobi Karin, waxaa jira xaalado caafimaad oo la arko xilli-roobeedyada, kuwaasi oo saameyn taban oo gaari karta illaa heer dhimasho kaga taga aadanaha.

Waxaa ka mid ah caabuqyada ku dhaca tubadda neef-mareenka bini’aadamka, sida herkabka –oo la arko marka cimilladu is-baddesho–, Neefta (asthma), xasaasiyadda, iyo kuwa kale ee ku dhaca maqaarka, sida ay qabaan bahda caafimaadka.

Sidoo kale waxaa waqti roobeedyada la arkaa cayayaanadda biyaha ka dhasha, sida Kaneecada, oo ay rumeysan yihiin qolyaha caafimaadka inay ka dhalato kulanka seddaxda aanan kala maarmin ee degaanka, aadanaha iyo biyaha.

Sida ay tilmaamaan bahda caafimaadka, kaneecada dheddig ayaa sidda xanuunka Duumada amaba Malaariyada, kaasi oo hay’adda caafimaaddka adduunya (WHO) ay sheegeyso in sanadkii tagay oo kaliya ay u geeriyoodeen 627-kun oo ruux. Inkasta oo dadka dhami u siman yihiin qaadista duumada, haddana waxaa halista ugu darran la kulma caruurta da’doodu ka yar tahay shanta sano iyo haweenka uureyda ah.

Kiisaska ugu badan xanuunkan waxaa laga diiwaan geliya guud ahaan Africa, dalalka saxaraha ka hooseeya ee qaaraddana waa kuwa helista muuqata wajahaya. Dalkaanna sanadkii 2021-kii, 8101 qof oo ay ku dhacday duumada ayaa la keeyay isbitaalladda dalka, halka laba ruux ay u dhiteen, sida ku dhigan xog April 2022 lagu daabacay mareegta hay’adda samafalka ee Reliefweb.

Hay’adaha gargaarka waxey taasi u arkaan horumar laga sameeyay barnaamijka xakameynta Malaariya ee dalka oo ay taageerto hay’adda caafimaadka adduunka, maadama tirad is dhinta marka loo barbardhigo middii sanadkii hore oo ahayd 27 333 kiis. Waxaase jira bukaanno aanan tiro sax ah laga hayn oo xanuunka kula tacaalayay guryahooda amaba kuwa u dhintay oo aan xogtooda la gelin diiwaanka.

Sida ay sheegayaan hay’adaha caafimaadka, goobaha ay ka jiro duumada ee dalka, waxaa ka mid ah gobollada ku yaalla koofurta iyo bartamaha dalka, si gaar labada shabeelle, Jubbooyinka iyo gobolka Gedo, halkaasi oo ka sokow inay maraan webiyada Jubba iyo Shabeelle, leh dhir badan oo soo jiidan karta roobka.

Marka laga yimaado, caruurta da’doodu ka hooseeyso shan jirka iyo hooyada uurka leh, waxaa halis muuqata wajahaya dadka ku nool xeryaha lagu soo barakacay ee ku yaala magaalooyinka waa wayn ee dalka, halkaasi oo faya dhowrku hagaagsaneyn.

Waxaa khatarta la qaba dadka ka ag dhaw goobaha biya qabadka ah sida waraha biyaha, kuwaasi oo hooy u ah kaneecada.

Inkasta oo sanadkii tagay ay Hay’adda caafimaadka ansixisay isticmaalka tallaalka Mosquirix ee loogu talagalay in looga hortago cudurka duumada, haddan weli ma ahan mid ay wada heli karaan dadka ku nool wadamada saxaraha ka hooseeya, halkaasi oo laga diiwaan galiyo 95% kiisaska malaariyada dunida.

Taasi baddelkeeda waxey hay’adaha caafimaadka sida WHO ku taliyaan in qoysku xirtaan marakaneecada amaba shandarawada xilliyada ay hurdayaan si difaac kaga galaan qaniinayda kaneecada mideeda wata duumada.

Sidoo kale dhaqaatiirta ayaa ku taliya In qofka isku arka astaamaha xanuunka sida heer-kulka jirka oo kordha, madax xanuun, murqaha oo ku xanuuna, iyo daal uu booqdo dhaqtarka ugu dawo si loola tacaalo.

 

 

Waxaa qoray: Cali Hilowle 

Achilowle@gmail.com

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan