Home / Arrimaha Bulshada / Maqaayad ganaaxaysa macaamiisheeda soo reeba cuntada!

Maqaayad ganaaxaysa macaamiisheeda soo reeba cuntada!

Himilo FM – Maqaayad ku taalla Imaaraadka Carabta ayaa ganaaxaysa macaamiisha ka cunteysa ee aan dhammeyn cuntada loogu keeno dalabka sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaasi.

Bogga Time Out Dubai ayaa tilmaamay in maqaayadda Gulou Hotpot inay ganaax saarayso macaamiisheeda dalbada cunto qiimo ahaan ku fadhisa 49 Dirham oo u dhiganta 14 Doolar haddii aysan asturin cuntada oo aysan dhammeyn.

Adeegyadda maqaayadda waxaa kamid ah inay macaamiisha dalban karaan waxyaabo dheeraad ah oo si bilaash ah lagu siinayo sida cabitaanka.

Ganaaxa maqaayadda waxa uu gaarayaa 50 Dirham oo u dhiganta 15 Doolar oo laga qaadayo qofkii cunto dalbada islamarkaana soo reeba.  

Sheekada maqaayadan ayaa noqotay midda loogu hadal-heynta badan yahay Imaaraadka. Dadka qaar ayaa soo dhaweeyay kuna tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan halka inkale ku tilmaameen ka badbadin.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan