Home / Macluumaad / Maqaayad ku taalla Switzerland oo ku guuleysatay sameynta farmaajada ugu fiican!

Maqaayad ku taalla Switzerland oo ku guuleysatay sameynta farmaajada ugu fiican!

Himilo – Maqaayad ku taalla Switzerland ayaa loo doortay midda ugu wanaagsan dunida ee sameysa farmaajada iyada oo ka soo baxday tartan caalami ah oo ku saabsan farmaajada oo lagu qabtay Wisconsin.

Farmaajada maqaayadda Michael Spycher of Mountain Dairy Fritzenhaus ayaa noqotay midda ugu macaan marka laoo fiiriyo tartamayaasha kale ee ka socday 26-ka dal ee caalamka.

Sannadkii 2008-dii, isla maqaayadan ayaa ku guuleysatay tartanka nuucaan ah oo sannad kasta la qabto.

Tartanka farmaajada  Madison waa midka ugu weyn dunida iyada oo ay ka qeyb galayaan 3,667 maqaayad oo soo bandhigaya tayada adeeggooda.

Ku dhawaad 55 garsoore ayaa tijaabinaya oo hubinaya 132 nuuc oo ah waxyaabo laga sameeyay caanaha oo tartanka lagu soo bandhigayo.

Markii ugu danbeysay ee la qabtay tartanka sannadkii 2018-ka, farmaajo loogu magac daray Esquirrou oo Faransiiska lagu sameeyay ayaa ku guuleysatay tartanka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan