Home / Macluumaad / Maqaayad lagu iibinayo keliya cayayaanka oo laga furay Koonfur Afrika

Maqaayad lagu iibinayo keliya cayayaanka oo laga furay Koonfur Afrika

Himilo- Dalka Koonfur Afrika ayaa laga furay maqaayadii ugu horreysay oo macaamiisha loogu diyaarinayo cayayaanka kala duwan sida ay qortay warbaahinta dalkaasi.

Barnard ayaa sameynaya tijaabadan oo noqonaysa tii ugu horreysay ee nuuceeda ah marka la eego Koonfur Afrika.

Dalalka caalamka ayaa laga heli karaa maqaayado badan oo lagu sameeyo cuntada xasharaadka ama cayayaanka.

Mr Barnard ayaa xusay in baahi badan loo qabo xanaaneynta cayayaanka oo uu ku tilmaamay cuntada mustaqbalka la qaadan doono isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay kasbashada macaamiil badan.

Hay’adda cuntada adduunka ee FAO ayaa sheegtay inay jiraan 1900 nuuc oo cayayaan ah oo la cuni karo islamarkaana qiimo jaban kuna jiraan macdan iyo protein badan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan