Home / Arrimaha Bulshada / Maqal: Maxuu yahay dowrka dhalinyarada ee dib u dhiska dalka?

Maqal: Maxuu yahay dowrka dhalinyarada ee dib u dhiska dalka?

Himilo- Dhalinyarada Soomaaliyeed waxay ka mid yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee bulshadeenna, iyagoo matalaya awoodda ugu badan ee dalka, loona arko hogaanka mustaqbalka ee Soomaaliya. In ka badan 70% bulshada Soomaaliyeed waa dhalinyaro, taas oo ka dhigan in kaalintooda ay aad muhiim ugu tahay nabadda, horumarka, iyo xasiloonida dalka. Laakiin, dhinaca kale, taariikhda dhow ee Soomaaliya waxay xustaa in dhalinyaradu door weyn ku lahaayeen burburkii dalka, taasoo dhalisay in lagu eedeeyo inay qeyb ka ahaayeen dagaallada sokeeye, kooxaha hubeysan, iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee nabadda ka hor yimid. Waxaana dhalinyaro badan loo adeegsaday in lagu fuliyo dano gaar ah, iyagoo ka mid noqday nidaamyada sharci-darrada ah.

Waxaa cad in dhalinyaradaas loo isticmaalay sida qaldan ay arintaas ku sababtay duruufo ay ka mid yihiin shaqo la’aanta, waxbarasho la’aanta, iyo fursad la’aanta guud ee soo wajahday da’yarta Soomaaliyeed. Laakiin maanta, xaaladda waa mid ka duwan sidii hore, waxaana la jooga xilli cusub oo dhalinyaradu ay hoggaamiyaan dadaallada nabadaynta iyo dib u dhiska qaranka. Isbeddelkan wuxuu muhiim u yahay xasiloonida Soomaaliya, iyadoo dhalinyaradu ay u baahan yihiin inay fahmaan doorkooda wax ku oolka ah ee bulshada.

Si loo gaaro xasilooni waarta, waa muhiim in dhalinyarada laga qaybgeliyo arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada si ay gacan uga geystaan xalinta khilaafaadka iyo horumarinta bulshada. dadaallada dhalinyarada ma ahan kuwo ku xaddidan oo kaliya dib-u-dhiska dalka, laakiin waa kuwo ku salaysan fikrado cusub iyo hal-abuur ay u keeni karaan xalal horumarsan oo Soomaaliya ay kaga gudbi karto caqabadaha kala duwan ee hortaagan. Waxay sidoo kale kaalin ka ciyaari karaan wacyigelinta bulshada, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo la dagaallanka falalka qaldan iyagoo ka faa’iideysanaya aaladaha casriga ah iyo teknolojiyadda si ay u gaaraan natiijooyin togan.

Haddaba, dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay iska beddelaan doorka dhibbanaha oo mararka qaar loo adeegsan jiray colaadaha, una wareegaan doorka hoggaamiyaha ee xalinta iyo dib u dhiska. Iyadoo la siinayo taageero, aqoon, iyo fursado, waxay dhalinyaradu noqon karaan awood wax ku ool ah oo gaarsiisa dalka nabad iyo horumar waara. Si loo xaqiijiyo mustaqbal nabadeed oo Soomaaliya ay ku tallaabsato, waa in dhalinyarada lagu dhiirrigeliyaa inay noqdaan laf-dhabarta isbeddelada bulsho, si firfircoon ugu lug yeeshaan go’aanada siyaasadeed, iyo inay horseed u noqdaan xasiloonida waarta ee dalka.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan