Himilo- Marka qofku gaajada dareemo, meesha ugu fudud ee uu ka heli karo cunno uu ku haqabeelo ayuu abbaaraa isaga oo hadba ku tashanaya wixii jeebkiisa ku jira ama lacagta uu sito inta ay la egtahay. Haddayse qofku ku adkaato in lacag uu wax ku cuno waayo, wuxuu ugu yaraan gaajadiisa–hadduusan dawarsi iyo boob wax ku dayin.
Balse marka aynu joogno dalka Singapore, inaad lacag badan ama kugu filan u baahan tahay si aad u dheregto ma ahan waxaad ka walwasho–gaar ahaan kolka aad ku sugan tahay maqaayadda Ana-lakshimi oo ah maqaayad aan laheyn qiimo go’an oo qofka wax ka cuna loo sheego inuu bixiyo.
Caadiyanba, marka aad booqato maqaayad, waxaa dhacda in lagu hor keeno karbad yar oo lagu qoray dalabka cuntada ku diyaarsan keydka iyo qiimaha mid kasta–si aad u doorto rabitaankaada adiga oo ku sargoynaya tabartaada.
Hayeeshe, gudaha Maqaayadda Ana-lakshimi oo laba farac leh dal-yaraha Singapore karbadka lagu horkeeno waxaa kaliya kuugu qoran nuuca dalab ee cuntada aad u baahan tahay in laguu keeno oo keliya!
Cun oo dhereg–kadibna markaad haakah tiraahdo, iska dhiib waxaa doonto waa dulucda maqaayaddaba loo yagleelay. Waana maqaayad la gorgortanta dubaaqa qofka macmiilka ah maya dibnihiisa.
Ana-lakshimi ayaa dhisan muddo ku dhow 25–sanno waxaana macmiil u ah dad aan tira-yareyn oo kadib sida loogu kalsoonaaday naftooda, kalsoonida u siistay sharafta xurmadooda. Qof kasta oo wax ka cuna maqaayadda wuxuu soo hor istaagaa qasnajiga isaga oo bixiya wixii uu doono deedna iska baxa–iyada oo aan lala doodin ama aan lala murugoon wixii uu baxshay–hayeeshe looga mahad-naqo.
Si kastaba, tani waa maqaayad lagu dhisay kalsooni laguna gardaadshay is-garasho laguna kobciyay is-xilqaan.