Himilo- Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa ku riday muwaadin u dhashay dalkaasi xabsi daa’in sabab la xiriirta in uu xaday keliya 9 doolar.
Willie Simons oo ka soo jeeda gobalka Alabama ayaa ka dhashay qoys sabool ah. Isaga oo dhiganaya dugsiga ayuu bilaabay daroogada oo uu ku walafay.
Kahor sannadkii 1979-kii ayaa la xukumay seddex jeer sabab ku aadan falal xatooyo ah oo uu geystay. Sannadkii 1982-kii ayaa lagu helay danbi kale oo xatooyo ah. Waxa uu xaday boorso ay ku jirtay keliya 9 doolar.
Falka afaraaad ee lagu qabtay ayaa sababay in lagu qaado sharciga seddexda danbi ee gobalka Alabama oo dhigaya in qofka lagu xukumo muddo dheer oo xabsi ah haddii uu geysto danbiyo ka badan seddex.
Mr Willie oo hadda 62 jir ah ayaa 38 sanno ku qaatay xabsiga iyadoo danbiga uu galay uu yahay in uu xaday 9 doolar.
Maxkamad ayaa kahor timid qaraar uu racfaan ku qaadanayay markii ugu danbeysay sannadkii 2005-tii. Dhacdooyin lamid ah sheekadan oo kale ayaa laga soo wariyay Mareykanka gaar ahaan gobalka Alabama.