Himilo – Muwaadin u dhashay Mareykanka oo ka soo kabsaday xannuunka safmarka ah ee Karoona ayaa si kedis ula kulmay dhacdo layaab leh inkasta oo uu sheegay in uu yahay qof nasiib badan.
Sida uu qoray wargeyska Seattle Times, Mikel Floor oo ku nool magaalada Washington ayaa loo geeyay qaan-sheegad ay ku qoran tahay 1.1 Milyan oo doolar oo ah kharashaadka 62-ka maalin ee uu jiifay isbitaalka.
Lacagta ayaa u qeybsan kharashaadka bukaanka lagu jiifiyay qolka adeegga deg degga ah, daweyn looga sameeyay sambabaha iyo wadnaha sida laga soo xigtay Seattle Times.
Kharashaadka daweynta ee Mareykanka waa mid sarreysa marka loo fiiriyo dalalka kale ee horumaray laakiin ninkan 70 jirka ah ayaa heysta ceymis caafimaad.