Home / Caafimaad / Mareykanka: Cunug dhashay maqaar la’aan

Mareykanka: Cunug dhashay maqaar la’aan

Himilo FM –Hooyo Mareykan ah ayaa kari weyday inay shumiso cunuggeeda illaa iyo markii uu gaaray dhowr billood sabab la xiriirta xaalad caafimaad oo mar la arag ah.

Gabari Gray oo ku dhashay gobalka Texas ee dalka Mareykanka ayaa ku soo biiray caalamka isaga oo inta badan jirkiisa uusan laheyn maqaar ku dahaaran.

Qoyska uu ka dhashay ayaa awoodi waayay inay shumiyaan cunugga illaa ay ka xertaan gacmo- gashi.

Dhaqaatiirta isbitaalka carruurta ee Methodist Hospital ayaa la tacaalaya xaaladda caafimaad ee cunugga laakiin waxay ku war geliyeen waalidka inaysan wax badan sameyn karin.

Waalidka oo aan ka quusan nolosha cunugga ayaa u wareejiyay isbitaal kale oo ku yaalla isla gobalka Texas.

Gabari ayaa ka cabanaya xannuun loo yaqaan “Epidermolysis bullosa” oo ah mid mar la arag ah iyadoo cunugga uu ku dhalanayo maqaar la’aan qeybo badan oo kamid ah jirka. Waxaa lagu arkaa 20-kii carruur ee kamid ah 1-kii Milyan ee ku dhasha Mareykanka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan