Himilo – Mowjad carro xooggan ah ayaa ka dhalatay codsiga aroosad ay u jeedisay martida xafladeeda sida uu qoray wargeyska Mirror ee dalka Ingiriiska.
Muuqaal yar ayaa muujiyay aroosad reer Mareykan ah oo aan la shaacin magaceeda oo ka dalbanaysa martida u imaaneysa inay u keenaan haddiyad qiimaheeda uu la egyahay 250 doolar.
Gabadha u ballansan guurka ayaa la shaaciyay inay asxaabteeda u sheegtay inay bisha danbe aqal galayso islamarkaana haddii qof uu haddiyad u keenayo iyada ama saygeeda mustaqbalka ay noqoto mid qiimaheeda uu gaarayo 250 doolar ama inka badan.
Codsiga gabadha ayaa layaab ku reebay dad badan. Qaar kamid ah dadka ka dhiibtay faallooyinka ayaa xusay in aysan qorshaha ugu jirin ka qeyb galka xafladda lagu xeray shuruuda.
“Miyay dooneysaa in loo keeno haddiyad ku fadhisa $250? sidaasi waxaa tiri gabar kamid ah asxaabta aroosadda.
Inta badan faallooyinka ayaa lagu cannaantay aroosadda iyaga oo dad badan muujiyay sida ay ugu xun yihiin dalabka oo ay ku tilmaameen mid “doqonimo ah oo aan habbooneyn.”