Home / Arrimaha Bulshada / Mareykanka: Khiyaanada qoyska ayaa lagu muteysan karaa 5 sanno oo xarig ah

Mareykanka: Khiyaanada qoyska ayaa lagu muteysan karaa 5 sanno oo xarig ah

Himilo- Khiyaanada qoyska ayuu qofka ku muteysan karaa 5 sanno oo xarig ah marka la joogo gobolada qaar ee dalka Mareykanka sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Gobolada Mareykanka ee uu ka dhaqan galay sharcigan waxaa kamid ah Oklahoma iyo South Carolina oo aan si rasmi ah u qaadan.

Wargeyska The Business Insider ee Ingiriiska ka soo baxa ayaa xusay in sharciga uu sidoo kale ka jiro gobolada North Carolina, South Dakota, Hawaii iyo New Mexico.

Marka la eego gobalka Oklahoma, khiyaanada lamaanaha ayaa lagu tiriyaa danbiyada keeni kara in qofka lagu xukumo 5 sanno oo xarig ah ama ganaax lacageed oo gaaraya 500 doolar.

Xukunada khiyaanada qoyska ayaa kala duwanaan kar marka la fiiriyo gobolada kale ee uu ka kooban yahay Mareykanka.

Maamulka gobalka North Carolina ayaa oggol in maxkamad la saaro lamaanayaasha aan kuwada joogin daacadnimada, tani waxay ka dhigan tahay in midkooda la saari karo tiirka cadaalada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan