Himilo FM –Wargeyska Washington Post ayaa tilmaamay in maamulka Mareykanka uu xeray nin guursaday afar xaas oo aan is aqoon.
Micheal Medleton ayaa guursaday Alissa Grant sannadkii 2013-kii, waxaana iyadoo ka jawaabeysa codsigiisa siisay gaari cusub, dhar, kombuyuutaro iyo qalab kale oo qaali ah laakiin waxay mar danbe oggaatay inuu iibiyay.
Wakhti kaddib guurkooda, Medleton ayaa ku xad gudbay xaaskiisa isaga oo garaacay, waxaana soo xeray booliiska balse waa uu ka baxsaday. Lacagta uu xaaskiisa ka helay waxaa lagu qiyaasay 20 kun oo doolar.
Ms Grant ayaa baaris u gashay ninkeeda si ay uga saxiixato warqadda furriinka hase ahaatee waxaa u soo baxday in ninkeedu qabay xaasas kale iyadoo arrintaasi gaarsiisay booliiska oo hadda raadinaya Micheal.
Waxaa haddana waxyar kaddib soo baxay in labo xaas oo uu qabo Micheal ku nool yihiin gobalada Alabama iyo Goergia ee dalka Mareykanka.
Xaas kale oo afaraad ayaa la soo sheegay inay dacwad ka soo gudbisay Micheal markay daawatay wareysiga laga qaaday haweenayda Grant. Waxaa la xaqiijyay in xaaska afaraad u dhashay cunug.
Gunnaanadkii, booliiska ayaa soo xeray Micheal oo loo heysto eedeymo ay kamid yihiin inuu guursaday haween badan, sameeyay rabshado qoys iyo inuu kaxeeyay gaari isaga oo aan rukhsad u heysan.