Himilo – Wasaaradda gaadiidka Mareykanka ayaa saartay ganaax lacageed oo gaaraya 50,000 doolar shirkadda diyaaradaha Delta Air Lines kaddib markii lagu helay danbiga ah inay faquuqday rakaab Muslimiin ah.
Wasaaradda ayaa shaacisay in shirkadda takoortay rakaab Muslimiin ah markii laga saaray diyaarada sida laga soo xigtay warbaahinta CNN-ka.
Dhacdada ayaa u laabaneysa sannadkii 2016-ka markii mid kamid ah shaqaalaha diyaarada uu ka ceyriyay lamanaane Muslimiin ah diyaarada kaddib markii uu ka sheegtay qof kale .
Qof kamid ah rakaabka ayaa u sheegay qofka shaqaalaha in uu culeys ku dareemayo labada qofood islamarkaana ninka Muslimka iyo xaaskiisa ay dirayeen farriin ay ku jirtay kalmadda Allah.
Duuliyaha diyaarada ayaa diiday inay raacaan lamaanaha duulimaadka iyada oo la xaqiijiyay inay yihiin Ameerikaan. Hoggaamiyaha diyaarada ayaa sababta ku sheegay in rakaabka iyo shaqaalahaba aysan raaxo ku dareemeyn.
Waxaa jirtay dhacdo kale oo shirkadda Delta Air Lines ay ku faquuqday qof kamid ah rakaabka diyaarad ka tagtay Amsterdam islamarkaana ku socotay New York.
Delta Air Lines ayaa ku adkeysaneysa in aysan sameyn dhaqamo faquuq ah oo ay keliya dadaal ku bixinaysay tallaabooyinka badqabka diyaarada.