Himilo- Haweenayda ugu da’da weyn dalka Mareykanka ayaa ku geeriyootay magaalada New York iyada oo 114 jir ah.
Rose Adams oo ah gabadheeda ayaa u sheegtay warbaahinta Mareykanka in Alelia Murphy oo xubin ka ahayd ururka madowga dalka inay geeriyootay.
Alelia ayaa ku dhalatay gobalka North Carolina sannadkii 1905-tii iyadoo u wareegtay magaalada New York sannadkii 1926-kii.
Haweenayda geeriyootay ayaa ka qeyb qaadatay halgankii lagu difaacayay xuquuqda dadka madowga ah ee Mareykanka qarnigii tagay.
Waxay kamid noqotay haldoorka ku caan-baxay difaaca xuquuqda dadka midab ahaan madowga ah ee ku nool Mareykanka.
Hay’adda baaritaanada cilmiga da’da ee Mareykanka ayaa sheegtay in Alelia gaartay 114 sanno iyo 140 maalmood. Waxay noqotay qofka ugu cimriga dheer dalka balse heerka caalamka waxaa ugu da’ weyn haweenay ka soo jeeda Jabaan.