Home / Haweenka / Mariana: 23 sanno ayay keydinaysay lacagta ay ku tagtay Xajka sannadkan!

Mariana: 23 sanno ayay keydinaysay lacagta ay ku tagtay Xajka sannadkan!

Himilo –Sida cad, dadka saboolka ah way ku adag tahay in ay booqdaan Sacuudiga oo ay soo gutaan acmaasha Xajka sabab la xiriirta dhaqaalaha ku baxaya, taasina kama aysan dhigin diinteenna waajib saaran haddii aysan awoodin balse haweenay u dhalatay Indonesia ayaa ka gudubtay caqabadaasi.

Mariani oo ah carmal 64 jir ah ayaa keydinaysay lacagta ay ku tagtay Xajka sannadkan muddo 26 sanno ah iyadoo rumeysay riyadeedii wakhtiga dheer.

Waxay muddo 26 sanno ah ku qaadatay in ay ka shaqeyso uruurinta qashinka si ay ugu quudiso carruurteeda afarta ah islamarkaana ugu gudato Xajka sannadkan.

Haweenayda reer Indonesia ayaa la hadashay warbaahinta, waxay xustay in siddeetameeyadii markii uu dhintay saygeeda in aysan aqoon sida loo dhigto lacagta balse waxay mar danbe billowday uruurinta qashinka sida dhalooyinka iyo caagaga iyadoo ka iibin jirtay shirkadaha ka shaqeeya ee dib uga faa’iideysta.

Mariana ayaa tilmaamtay inay ka shaqeyn jirtay arroorta hore illaa gabal dhaca, waxaana u suura gashay inay keydiso 25 Milyan oo ah lacagta Indonesia oo ay markii danbe ku tagtay Xajka.

Carruurta haweenayda ayaa immika koray iyaga oo ka caawiya kharashaadka guriga laakiin carruurta ma aysan ogeyn riyada hooyadood. Mar danbe ayay u sheegtay riyada ay ku taameysay dhowrka sanno iyo qorshaha guuleystay ee lacagta.

Sheekadan ma noqonayso tii ugu horreysay ee nuuceeda ah, waxaa jiray nin uruurinayay lacagta uu ku xajiyay muddo 43 sanno ah kaasi oo ku dhintay Xajka laakiiin haweenayda ayaa nasiib u yeelatay inay dhammeystirto acmaasha tiirkaasi Islaamka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan