Himilo – Kooxda reer Brazil ee Flamengo ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa Mario Balotelli, sida ay qortay Corriere dello Sport.
Weeraryahanka reer Talyaani ayaa koox la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay Marseille dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Weeraryahankii hore ee Manchester City iyo Liverpool ayaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Premier League isagoo West Ham lagu xamanayay horraantii xagaagan.
Si kastaba ha noqotee, Flamengo ayaa haatan doonaysa saxiixa 29 jirka, iyadoo saraakiisha kooxda ay haatan ku sugan yihiin Milan oo isku dayaya inay heshiis la gaaraan.
Brescia ayaan weli ka rajo dhigin inay keenaan Balotelli, oo ku dhashay Palermo laakiin wuxuu wakhtigiisa badi ku qaatay carruurnimadiisii Brescia .
Laakiin Flamengo ayaa hoggaaminaysa loolanka loogu jiro weeraryahanka kaas oo dhaliyay siddeed gool 12 kulan oo uu u saftay Marseille xilli ciyaareedkii hore.
Kooxda reer Brazil ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay u soo bandhigto Balotelli labo sanno oo heshiis ah oo uu sannadkii ku qaadanayo 2.78 Milyan Ginni.
Brescia ayaa ka soo dalacday Serie B xilli ciyaareedkii hore ka dib markii ay ku guuleysteen horyaalka.