Home / Macluumaad / Mark Zuckerberg oo qalab ka iibsaday dukaan ku caan ah ascaarta Jaban

Mark Zuckerberg oo qalab ka iibsaday dukaan ku caan ah ascaarta Jaban

Himilo – Qaar kamid ah boggaga caalamka ayaa baahiyay muuqaal yar oo uu ka soo muuqday Mark Zuckerberg oo ah milkiilaha shabakadda Facebook-ga iyo xaaskiisa Priscilla Chan iyaga oo ka dukaameysanaya dukaan lagu iibiyo tafaariikhda oo ku caan ah ascaarta jaban.

Warbixin uu qoray wargeyska Daily Mail ayaa lagu sheegay in hantida Zuckerberg oo 35 sannno jir ah inay gaarayso 77.3 Bilyan oo doolar.

Muuqaalka oo la qaaday bishii hore ayaa muujinaya Mark iyo xaaskiisa oo qalab ka iibsanaya qeybta taleefanada ee dukaanka oo ku yaalla magaalada Mountain View ee gobalka California.

Lamaanaha oo xernaa dhar qiimo jaban ayaa daqiiqado badan ku qaatay dukaanka oo ay ka iibsadeen dhowr waxyaabood.

Waxaa xusid mudan in Mark uu guursaday Priscilla Chan sannadkii 2012-ka iyaga oo heysta labo carruur ah oo da’dooda tahay 5 jir iyo 3 jir.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan