Hay’adda Save the Children ayaa sheegtay in qoysaska Soomaaliyeed ay wajahayaan masiibo cusub oo isugu jirta macluul sii kordheysa, baahi bini’aadannimo oo sareysa, iyo hoos u dhac aan horay loo arag oo ku yimid gargaarka. Warbixin cusub oo cinwaankeedu yahay “Marka Gargaarku Baaba’o, Carruurnimadu Way Baaba’daa” ayaa muujisay in burburka maalgelinta gargaarka caalamiga ah ay keeni karo xaalado halis ah oo la mid ah abaartii 2011, oo dishay in ka badan 257,000 oo qof.
Sanadkii 2025 waxaa la qiyaasay in 3.4 milyan oo qof ay la kulmeen cunto-yari darran, balse tiradaasi waxay hadda ku dhowdahay labanlaab, iyadoo gaartay 6.5 milyan, taasoo si toos ah ula xiriirta jarista gargaarka iyo roobabkii liitay ee dabayaaqadii 2025.
Qorshaha ka jawaabista bini’aadannimo ee Soomaaliya ayaa 2024 helay 57.7% maalgelin, halka 2025 uu hoos ugu dhacay 28.8%, halka Abriil 2026 uu gaaray kaliya 15% — heerkii ugu hooseeyay ee abid la diiwaangeliyo waqtigan sanadka.
Hoos u dhacan ayaa sababay in la yareeyo adeegyada cuntada iyo nafaqada, iyadoo la xiray in ka badan 300 xarumood oo nafaqo, kuwaas oo muhiim u ahaa daaweynta carruurta nafaqo-darrada ah. Haddii aan si degdeg ah loo helin maalgelin, xarumo badan ayaa xirmi doona, sahayduna way go’i doontaa, carruur badanna daryeel la’aan ayay la kulmi doona sida xogta lagu sheegay. Sidoo kale, colaadaha Bariga Dhexe ayaa sii cuslayn kara silsiladaha sahayda caalamka.