Home / Macluumaad / Markay gabadhu cuntada ka tagto!

Markay gabadhu cuntada ka tagto!

Muqdisho – Gabar 25-jir Hindiyan ah oo aan awoodin cunista cunto adag ayaa ku nooleyd dareere cabitaan ah taniyo dhalashadeeda. 
Manju Dharra, oo ku nool Sonipat oo ku taalla duleedka Delhi, waxay maalin kasta cabtaa afar ilaa shan litir oo caano ah–iyo sidoo kale iyada oo cabta shaah iyo biyo. 
Waxay ku sugan tahay xaalad lagu magacaabo achalasia–taas oo ah inay ku hungaacdo waxyar kadib markay cunto raashiin adag. 
Hooyadeed oo lagu magacaabo Bhagwati Dharra waxay tiri: “Waxay kaliya qaadataa cabitaan dareere ah sida caano, biyo, shaah iyo sharaabka la qaso,”
“Badi laakiin waxay ku nooshahay caanaha. Haddiise ay qaadato cunno adag durba way matageysaa.”
Manju ayaa iyadna intaas kusii dartay: “Haddaan wax cuno, waxaan ka qabaa xumaato. Hadda waxaan dareemaa cabsi inaan cunto adag arko,”
Marwo Dhara, oo celceliska dhirir ee gabdhaha Hindiya in-yar ka dheer, waxay maareeysaa howlaha guriga iyada oo u muuqata qof caafimaadsan. Hayeeshe, waxay la silicdaa xanuun caloosha ah.
Hooyadeed kumay baraarugin xaaladeeda wax-yar kadib markay laba sano jirsatay. 
Bartaas kadib, hooyadu waxay isku dayday inay ku dirqiso bariis iyo rooti balse waxay gabadhu ka qaaday xanuun. 
Qoysku waxay u qaadeen dhowr isbitaal kuwaas oo ay natiijo la’aan kaga soo laabteen. 
Muddaba, qoysku maanu awoodin inay dhaqaatiir caalami ah u geeyaan iyo inay u iibiyaan Lo maalin kasta looga maalo caanaha. 
Aabaheed, Ramkanwar Dharra, wuxuu yiri: “Xaaladeenna dhaqaale kama sarreyso joogteynta waxbarashadeeda,”
“Manju waa mid kamid ah toddobo caruur ah. Iyagu way caafimaad qabaan. Mana qabaan cudurkeeda.”
Dr Adarsh Sharma wuxuu sharaxay in xaaladda gabadhan lagu daweyn karo qalliin lagu sameeyo oo kaliya. 
Achalasia ayaa dhaca marka hunguriga ama dheef-mareenka uu awoodi waayo inuu cuntada u gudbiyo caloosha.
Tani waxay sababtaa in cuntadu ay hungurigu ama dheef-mareenka ku joogsato deedna ay dibadda usoo hungaacdo.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan