Home / Macluumaad / Markuu ardaygu jeclaado macalimaddiisa – si uu u guursado.

Markuu ardaygu jeclaado macalimaddiisa – si uu u guursado.

Beijing (Radiohimilo) – Badi xiriir dhex-mara labo qofood oo jaceyl iska doonaya ma noqdaan kuwo la qaayibo ama la qariibsado. Balse dhadhan sidee ah ayuu kuu yeeshaa jaceylku marka lamaanahan aad jeclaatay uu noqdo ama ay noqoto qof barahaada ah – da’na kaa weyn muuqaal ahaan?!

Halka badi dadka qaar rumeysan yihiin inay dhici karto inaad jeclaato qof wax kuu dhiga, hadana ma aaminsana inay dhici karto inuu hubsado hanashadiisa. Xittaa sida qofku u gudbin karo dhanbaalkiisa xanbaarsan jaceylka uu u qabo qofkan qeyrul-caadiga ku ah agtiisa, waa mas’alo kale oo u baahan dood dheeraad ah gudaha dhaqanka Soomaalida ah.

Hayeeshe, markaad ka dhex baxdo dunida Soomaalida, doodani uma baahna in badan in la gorfeeyo maadaama aad heli karto kumaan dhacdooyin ah oo sheekooyinkan la xiriira.

Tusaale ahaan, dhawaan waxaa dalka Shiinaha ka dhacday wiil arday ah inuu jeclaaday gabar macalimad u ah isaga oo dareenka uu u qabana kusoo ban-dhigtay meel fagaare ah oo dadka oo dhami wada arkayaan.

Isaga oo helaya taageerada saaxiibadiis la dhigta iskuulka, ayaa si diiran u jilba-dhigtay macalimadda horteeda – isaga oo rucub ubax ah u dhiibaya.

Si kastaba, wiilkani wuxuu la kulmay waji-gabax, markii macalimadiisu ay ku gacan-seyrtay doonistiisa.

Muuqaal laga helay dhacdadan ayaa muujinayay saaxiibada wiilkan oo la ag-taagnaa boor ay ku qoran tahay: “Macalimad Li, wan ku jeclahay: aan is guursano.”

Wiilku xittaa wuxuu macalimadda usoo bixiyay fargashi dhayman ah – isaga oo u tilmaamaya inuu doonayo guurkeeda. Taasina waxay u sheegtay inay ka xun tahay.

Waxay ugu danbeyntii u tilmaantay inaysan aqbali karin doonistiisa ama codsigiisa jaceylka uu u qabo iyada maadaama ay xiriir wadaag yihiin qof kale.

Wiilka ayaa guntii si laga murugoodo wuxuu iskaga huleelay goobta – iyaga oo saaxiibadiis ay garbaha kaga jiraan.

Isha: Radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Hiraal.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan