Himilo-Maroodigii ugu dambeeyay ee ku sugnaa xayawaanada qaranka koofunta Africa ayaa lagu celiyay duurka kadib 40 sano oo xeradaa ku sugnaa.
Maroodiga, oo magaciisu yahay Charlie, waxaa laga qabtay beerta qaran ee Hwange ee Zimbabwe isagoo laba sano jir ah sanadkii 1984-kii.
Waxaa loo qaaday beert South Africa halkaas oo lagu haye intaa wixii ka dambeeye. Dabayaaqadii 2000- waxaa loo wareejiyay beerta xayawaanada qaran ee waddanka.
Sanadihii ugu dambeeyay, kooxaha u dooda xayawaanka ayaa ku cadaadiyay in maroodiga la sii daayo iyagoo ka walaacsan caafimaadkiisa.
Goobta haadan lagu sii daaye waa kayd gaar ah oo dhan 10,000 hektar oo leh maroodiyaal tiro badna taas oo ka dhigeysa in uu ka baxayo xidladii uu waqti dheer ku jiray.
South Africa waxay leedahay in ka badan 25,000 oo maroodi duurjoog ah, sida ay sheegtay hay’adda maamusha xayawaanka duurjoogta ah ee SANparks.
Maroodiyada Afrika waxay wajahaan khataro ka imaaneysa ugaarsatada sharci-darrada ah, iyadoo kumannaan ka mid ah sannad kasta si sharci darro ah loo dila si loo helo geesahooda. Waxa kale oo caqabad ku ah faafitaanka magaalooyin-ka oo marba marka ka dambeysa sii yareynaya kaymihii ay ku noolaayeen.