Home / Habka-Nolosha / Maroodiga ugu murugta badnaa caalamka oo ku naf baxay Spain!

Maroodiga ugu murugta badnaa caalamka oo ku naf baxay Spain!

Himilo FM –Maroodi loo aqoonsanaa inuu yahay midka ugu murugta badan caalamka islamarkaana keligii ku noolaa beer xayawaano muddo 43 sanno ah ayaa naf baxay sida laga soo xigtay wargeyska Independent.

Maamulka beerta xayawaanada Qurdubah ee dalka Spain ayaa shaaciyay in maroodiga Valavia uu naf baxay toddobaadkii hore iyadoo uu ku noolaa beerta tan iyo markii da’diisu ahayd seddex sanno .

Khubarada ku taqasusay caafimaadka xoolaha ayaa sheegay in caafimaadka maroodiga oo saaxiib la ahaa murugta uu liitay bilihii ugu danbeeyay.

Goor sii horreysay, khubarada ayaa tilmaamay in maroodiga uu ka cabanayay murug darran oo heysata isaga oo keligii ku noolaa beerta muddo 43 sanno ah.

Maamulka beerta ayaa dhowr jeer sameeyay isku day ah in maroodiga oo 47 jir ah loo wareejiyo goob kale iyadoo rajo laga qabo inuu caafimaadkiisa soo hagaago.

Ambaro Bayrinti oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha deegaanka ayaa sheegtay in maroodiga uu gabay socodka wakhtiyadii danbe.

“ Waxa uu aha astaanta magaalada,” ayay raacisay Ambaro.

Madaxa hay’ad xuquuqda xayawaanada u dooda oo la yiraahdo Selvio ayaa soo jeediyay in aan xayawaano badan la keenin beerta si aysan u qabsan tan ku dhacday maroodiga Valavia.

Waxaa loo arkaa maroodiga mid kamid ah xayawaanada bulsho la dhaqanka ah iyadoo celceliska da’da maroodiga lagu sheego 70 sanno.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan