Home / Habka-Nolosha / Marouane Fellaini oo ku war galiyey Manchester United bixi-taankiisa.

Marouane Fellaini oo ku war galiyey Manchester United bixi-taankiisa.

Muqdisho – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Marouane Fellaini ayaa lagu soo warramayaa inuu u sheegay kooxdiisa inuusan saxiixi doonin qandaraas cusub.

Heshiiska haatan ee Fellaini ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan, United-ka ayaana dooneysa inay sii dheereyso qandaraaska laacibkan isla markaana ay ku darto ​​ugu yaraan muddo hal sano ah.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka reer Belgium ayaa haatan xor u ah inuu wadahadal la galo kooxaha kale, wararka ayaana sheegaya inuu u sheegay tababare Jose Mourinho inuu doonayo inuu ka tago Old Trafford xagaaga.

Fellaini ayaa kaliya afar jeer ku soo bilowday tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana ninkan haleelay dhaawac uu muddo gaga maqnaa garoomada.

30 jirkaan ayaa lala xiriirinayaa inuu uu u dhaqaaqayo horyaalka Turkiga, halka kooxda Paris Saint-Germain ay xiiseyneyso ciyaaryahankan khadka dhexe.

Fellaini ayaa United ku soo biiray 2013, waxaana uu u saftay 146 kulan tartamada oo dhan.

W/Q: Abdi Aziz Adan Urur

Cabdicaziiz149@gmail.com

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan