Himilo – Xulka marti galiyaasha Euro-2024 ayaa guul muhiim ah ku daah furay kulankoodii ugu horeeye kadib marki shan iyo hal ku garaaceen xulka qaranka Scotland. Daqiiqadii tobonaad ee ciyaarta goolka koobaad ee Jermalka waxaa u dhaliye ciyaariyahanka Florian Wirtz kadib baas cajiib ah oo ka yimid Toni Kroos kaas oo u dhigay xidiga kooxda Bayern Munich ee Kimmich oo isna irida hore ee goolka Scotland dhigay sidaana uu shabaha ku dhaxdhigay Florian Wirtz.
Qeybtii koobaad ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 oo Germalku hogaanka ku haye halka qeybta labaadna ay laba gool oo dheeraad ah ay heleen wiilasha xulka Jarmalku.
Shabaqa marti galiyaasha ayaa nabad qabay illaa daqiiqadii sideetan iyo todobaad ee ciyaarta markaa oo gool uu shabaqiisa ku hubsaday Antonio Rüdiger daafaca birta ah ee Real madrid
Kulanka labaad ee Guruub A oo u dhaxeeya xulalka Hungry iyo Switzerland ayaa laciyari doono 4:00pm waqtiga geeska Africa.