Home / Arrimaha Bulshada / Maryan Mursal oo Fanka ka fariisatay.

Maryan Mursal oo Fanka ka fariisatay.

Himilo-Fanaanada caanka ah ee Maryan Mursal Ciise Bootaan ayaa ku dhawaaqday in ay gebi ahaanba isaga baxday fanka.

Maryan Mursal oo ah xidig caan ka ahayd fanka Soomaaliyeed mudadii bur-burkana daganayd magaalada London ee cariga Ingiriiska ayaa umadda ka codsatay in loo soo duceeyo.

Da’deeda oo waynaatay iyo xanuuno lasoo darsay ayaa loo tirinayaa ka fariisiga Fanka ee Maryan Mursal.

Fanaaniinta faro ku tiriska ah ee aan ka qeyb galin marna colaadihii qabiil iyo maamulada isdiidan ee Soomaalida ee 30 kii sano ee u danbeeyay gudaha Somalia ka curanayay ayaanay maryan midna la jaanqaadin iyada oo ku gaabsatay wacyigelinta bulshada.

Taariiq kooban oo ku saabsan Maryan Mursal Ciise 

Maryan Mursal ciise bootaan waxey ku dhalatay magaalada gaalkacyo ee gobalka mudug Sanadkii 1950-kii Maryan lix sano kadib waxey usoo wareegen iyada iyo qooyskeeda caasimada Soomaaliya

Maryan Mursal waxey fanka bilowday eyadoo 14-jir ah, waxayna radio Muqdisho ku biirtay 1965-kii imtixaan laga qaadana ay numbarka koobaad ku soo baxday heestii ugu horeysay ay Qaado tartankana uga qeyb gashay waxaa lagu magacaabaa (indha caashaq) waxeyna sidaas uga mid noqotay fanaaniintii qaranka soomaaliya.

Maryan Mursal ciise waxaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay fanaaniinta Somali kuwa ugu Wanaagsan. heesaha ay qaaddana waxey iskugu jiraan jaceyl, wadani iyo kuwa ka hadlaaya Dhaqanka suuban ee soomaaliyeed, waxaana ka mid ah heesaha Maryan:

– Beri hore waxaa jiray

– Buur baa kugu gudbane,

– Allow nabad

-Hoo gacanta iyo kuwa kale.

Maryan waxey aheyd qof ku wanagsan meel weliba ha noqoto dhanka heesaha ama dhanka Jilitaanka, rawaayadihii maryan ay ka qeyb ka qaadatay sida aadkana loogu xusuusto waxaa ka Mid ah shabeel naagood, kaaraa bidhaan iyo kuwa kale,

Wixii ka dambeeyay burburkii soomaaliya 1991-kii waxay ku  nooleed qurbaha gaar ahaan Dalalka kala ah denmark iyo uk ama england weli fanka wey ku guda jirtaa maryan laakiin.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan