Home / Arrimaha Bulshada / Masar: Haweenayda ugu da’da weyn oo hantideeda ugu deeqaysa dowladda

Masar: Haweenayda ugu da’da weyn oo hantideeda ugu deeqaysa dowladda

Himilo FM –Haweenayda ugu da’da weyn dalka Masar ayaa go’aansatay inay dhammaan hantideeda ugu deeqdo sanduukh lagu taageero dhaqaalaha Masar si looga gudbo duruufaha adag ee dalkaasi uu marayo islamarkaana loo taageero cadaalada bulshada.

Fahiima Cali Ibraahim oo ka qeyb gashay barnaamij telefishin ayaa sheegtay inay kamid tahay dadka dhashay sannadkii 1913-kii, waxayna ahayd beeralay tan iyo xilligaasi.

Waxay xustay haweenayda inay u soo joogtay waayihii boqoradii Faarukh, Fu’aad, madaxweynayaashii Jamaal Cabdinaasir iyo Maxamed Najiib.

Waxay codsatay haweenayda in laga aqbalo in hantideeda ugu deeqdo sanduukha lagu kabo dhaqaalaha dowladda islamarkaana loo oggolaado inay la kulanto madaxweyne Cabdi Fataax Al-siisii.

Haweenayda 105 jir ah ayaa intaa raacisay inay dhashay labo wiil iyo shan gabdhood oo aan hadal ku soo celin sida uu qoray wargeyska Al-fajri.

Wiilka haweenaydan ayaa tilmaamay in hooyadii ayeeyo u tahay 42 qofood oo isugu jira dhaqaatiir, injineero iyo beeralay isaga oo xusay in Fahiima iibisay dhammaan guryaha ay ku jiraan oo ay hadda ku nool yihiin.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan